HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Ciidamo Nigeria ah oo Muqdisho ku soo wajahan.

29.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Wakiilka Amaanka iyo Arrimaha Nabadgeliyada ururka Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ka socda dalka Nigeria ay ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada magaalada Muqdisho.

Ramtane Lamamra oo ah Wakiilka Amaanka iyo arrimaah Nabadgeliyada ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Ciidamo ka socda Nigeria ay Soomaaliya ku soo wajahan yihiin kuwaasoo gaaraya 140-Sarkaaal oo loogu talagalay inay qeyb ka qaataan xaqiijinta amaanka Caasimada Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dhawaan dowladda Cusub Soomaaliya kala wareegtay Xarakada alshabaab.

Ururka Midowga Afrika ayaa heshiis caalami ah islamarkaana ah mid is afgarad  la gaaray dowladda Nigeria ay ciidamo ugu soo dirayso Soomaaliya taasoo ay qalinka si wada jir ah ugu wada duugeen Ramtane Lamamra iyo Wakiilka dowladda Nigeria ee ururka Midowga Afrika.

Dowladda Nigeria ayaa ka mid ah dowladdaha Midowga Afrika ee ogolaaday inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda dowladdaha Kenya, Ugandha, Burundi, Siraliyoon iyo Jabuuti, iyadoo lagu wado inay dalal kale ku soo biiraan ciidamo u soo dirista Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.