HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Sarkaal lagu dilay magaalada Garoowe oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan Alshabaab.

29.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Maamulka gobolka Nugaal ee Puntland ayaa ku eedeeyey Xarakada Alshabaab inay ka dambeeyeen Dil Sarkaal Waaxda Canshuur qaadista oo lagu dilay Magaalada Garoowe ee maamulkaasi.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland oo saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in dilka Sarkaalkaasi ka tirsanaa Waaxda Canshuur qaadista Puntland ay ka dambeeyeen Xarakada Alshabaab.

“Dilka Sarkaalkii lagu dilay Garoowe waxaa ka dambeeyey Alshabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland  Cabdi Xirsi Qarjab oo intaasi raaciyey in ay haatan socdaan baaritaano lagu doonayo in lagu soo qabqabto dableydii ka dambeysay dilkaasi oo uu tilmaamay inay wali ku sugan yihiin Magaalada Garoowe Xarunta gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii Kooxo dabley hubeysan Magaalada Garoowe ku toogtay Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Canshuur qaadista Maamulka Puntland, iaydoo goobta ay isaga baxsadeen kooxihii dilkaasi ka dambeeyey.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.