HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wararkii ugu dambeeyey Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay dalka Liibiya.

29.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Waxaa maanta lagu wadaa in Qabuure ku yaala Magaalada Misrata oo qiyaastii 200 KM u jirta Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli lagu aaso in ka badan 18-Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhinteen gaari ay saarnaayeen oo maalintii shalay gelinkii dambe la qalibmay.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya Caydaruus Axmed Kaahiye ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey Tirada Tahriibayasha ku nafwaayay gaariga rogmaday, Dhaawacyada iyo Aas uu tilmaamay in maanta magaaladaasi loogu samaynayo Dadka Soomaalida ah ee masiibadaasi gaariga rogmaday ku nafwaayeen.

Caydaruus ayaa tilmaamay in gaariga rogmaday oo shamiindo dusha ka saarnayd ay la socdeen 114 Tahriibayaal u badan Soomaali waxaa geeriyootay 18, 3 wuxuu sheegay inay Koomo ku jiraan una dhaxeeyaan nolol iyo Geeri, Dhaawacyada Isbitaalka jiifa oo xaaladooda lala tacaalayo inay gaarayaan 24 ruux halka Xabsiga loo gudbiyey 69 ka bad baaday musiibadaasi gaariga la rogmaday Tahriibayaasha Soomaalida xili ay ku sii jeedeen Magaalada Tripli ee Caasimada Dalka Liibiya si halkaasi dooni uga sii raacaan.

“Maanta (Sabti ah) ayaa aasi doonaa Alle ha u naxariistee Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku nafweyday shilkaasi gaari” ayuu yiri Qusulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya Caydaruus Axmed.

Ugu danbeyntii ma ahan markii Tahriibayaal Soomaaliyeed ku le’daan Saxaraha u dhaxeeya Liibiya iyo Suudaan sidoo kale qaar badan oo Tahriibayaasha ka mid ah ku dhintaan Biyaha u dhaxeeya xeebaha liibiya iyo Talyaaniga oo ay u safraan si ay Yurubta kale uga sii talaabaan dhalinyaradaasi Soomaaliyeed oo Cudurka Buufiska uu madaxmaray.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.