HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Alshabaab oo ka baxay deegaano ka tirsan Degmada Jilib.

30.Dec.2012.Homelandmedia,Net.Wararka ka imaanaya Duleedka Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen Dagaalyahanada Xarakada alshabaab iaydoo aysan dhicin dagaalo sida ay tilmaameen dadka deegaanka oo aan la xiriirnay saacadihii ugu dambeeyey ee maanta.

Guluf Colaadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda deegaanada gobolka Jubada dhexe iyadoo ay wararku tilmaamayaan in Ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Raaskambooni ay doonayaan inay la wareegaan Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe oo ah goob ay ku xoogan yihiin Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab gobolada Jubooyinka ku sugan.

Sarkaal sare oo u hadlay maamulka dowladda gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay ku wajahan yihiin Degmada Jilib ka dib markii sida uu sheegay deegaano ku dhow isaga baxeen dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

Wararka waxay intaasi raacinayaan in dhaqdhaqaaq xoogan oo ciidan ay ka socdaan Degmada Jilib waxaana wada ciidanka Xarakada Alshabaab oo dhufeysyo waa wayn ka qotay wadooyinka soo gala degmadaasi si ay u difaacdaan halkaasi.

Ugu danbeyntii gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxaa muddooyinkan ka dhacayay dagaalo culus oo dhexmaray Ciidamada Xarakada alshabaab iyo kuwa Huwanta ah, iyadoo dowladda Federaalka wacad ku martay inay gebi ahaan la wareegi doonaan gobolada dalka Soomaaliya oo dhan si maamulka dowladda loogu baahiyo.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.