HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Ra’iisul Wasaare Saacid oo Iclaamiyey dagaal ka dhan ah Xarakada alshabaab.

30.Dec.2012.Homelandmeedia.Net.Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qorsheynayso dhawaan inay qaado dagaal ka dhan ah Xarakada Alshabaab si deegaanada ay gacanta ku hayaan kala wareegaan.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo la hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay qorsheynayso inay la wareegaan guud ahaan deegaanada gacanta ay ku hayaan Dagaalyahanada Xarakada alshabaab.

Saacid ayaa ku eedeeyey alshbaaab inay ka horjeesteen wada hadalo ay ugu baaqeen, balse hadda ay ka go’an tahay dowladdiisa sida uu yiri inay gobolada Soomaaliya ka xoreeyaan Xarakada alshabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu intaasi ku daray in  ay dhawaan qorsheynayaan inay la wareegaan dhammaan gobolada dalka Soomaaliya oo dhan oo ay maamulaan inta badan dagaalyahanada Xarakada alshabaab.

Dhinaca kale Amiirka Xarakada alshabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa dhawaan sheegay fariin maqal ah uu soo diray inaysan waxba dhaamin dowladda Cusub dowladihii hore in ay ka xun tahay mooyaane.

Ugu danbeyntii Amiirka Xarakada Alshabaab ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Ciidanka Shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.