HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Faroole “Waa lama taabtaan muddo kororsigeyga…”.30.Dec.2012

30.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa si aan caadi ahayn uga hadlay mudada halka sano ah ee xukuumadiisa sida sharci darada ah ugu kororsatay talaabadaasoo Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Puntland ay ku tilmaameen mid sharci daro ah kana soo horjeesteen.

Faroole ayaa hadalkan jeediyey isagoo ku sugan magaalada Boosaaso waxa uuna sheegay in muddada uu ku darsaday ee halka sano ah  ay tahay mid lama taabtaan ah isagoo tilmamaay in Dastuurka Puntland ay ku qoran tahay muddo shan sano ah taasina ay awood u siinayso inuu xilka sii hayo muddada sanadka ah.

“Waa lama taabtaan muddo kororsigeyga” ayuu yiri Faroole oo sidoo kale sheegay in mudadaasi ay tahay mid lagu samaysan karo Xisbiyada maalmihii ugu dambeeyey looga dhawaaqayay Deegaanada maamulka Puntland iyo sidii loo hirgelin lahaa Doorashooyinka soo socda nidaamyo Cusub.

Ugu danbeyntii Faroole ayaa ku celiyey in xiliga Maamulka Puntland xilka uu heynayo ay tahay muddo shan sano ah sida ku qoran Dastuurka, iyadoo hadlakan uu imaanayo xili Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland  ay ka horjeedaan mudadaasi waxayna qaban qaabinayaan doorashooyinka soo socda ee dhacaysa 8-da Janaayo ee Sanadka 2013.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.