HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Dilal qorsheysan oo xalay ka dhacay Muqdisho.

30.dec.2012.Homelandmedia.Net.Ragg bastoolado ku hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan laba qof oo shacab ah ugu dilay Magaalada Muqdisho.

Xaafad ka tirsan Degmada Waaberi ayaa xalay Fiidkii Salaada Ceshaha kadib ragg bastoolado ku hubeysnaa ay ku toogteen wiil dhalinyaro ah kana mid ah Ciyaalka Xaafada sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo dilkaasi ka hadlay, iyadoo dilka kadibna goobtii ka baxsadeen kooxihii dableyda dilka ka dambeeyey.

Isla xalay xaafad ka tirsan Degmada Xamar Jajab ayaa lagu dilay Qof kale oo la tilmaamay inuu rayid ahaa halka warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dilka kadib goobta gaaray Ciidamada Saldhiga Degmada Xamar Jajab.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay dilal qorsheysan ka dhacaan xaafadaha degmooyinka Caasimada Magaalada Muqdisho.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.