HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Axmed Madoobe oo lagu eedeeyey Dilka Afhayeenkii Beesha Sadde Ismaaciil Qalinle oo Kismaayo lagu dilay (Warbixin).31.Dec.2012

31.dec.2012.Homelandmedia.Net.Kadib kullan xasaasi ah oo magaalada Neyroobi ee dalka Kenya ku yeesheen Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Sadde ayaa lagu eedeeyey Guddoomiyaha KMG Maamulka Kismaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) dil mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Sadde loogu geystay 27-kii Bishan gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ugu horeyn  loogu tacsiyeeyey Ehelada uu ka geeriyooday marxuum nabadoon Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle) oo 4 beri ka hor lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo kaasoo lagu qabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyey in isaga ay ka timid amarka dil Magaalada Kismaayo loogu geystay Afhayeenkii Beesha Sadde Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle) iyadoo odayaasha iyo waxgaradka kullanka ku yeeshay Magaalada Neyroobi ay Cambaareeyeen dilkaasi wuxuushnimada ah iyo cidii ku kacday.

Mid ka mid ah Odayaasha kullankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay inay hayaan dardaarankii Marxuumka oo meyd ahaan looga tagay saacado badan oo uu noolaa kuna jiray Isbitaalo ku kala yaala magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho wallow markii dambe uu u geeriyooday dhawacii gaaray.

“Waxaan heynaa Dardaarankii Marxuumka oo meyd ahaan looga tagay Saacado badan ayuu noolaa waxa uuna qoray Warqad, Xamar oo dhaawaciisa loo qaadayna waxaa kula kulmeen dad ka mid ah Waxgaradka Beesha Sadde wuxuuna cadeeyey in Hanjabaad uga imaanaysay Madaxda Raaskambooni ee Axmed Madoobe hogaamiyo waxaa laga dhabeeyey dilkii loogu hanjabayay muddo, sidoo kale wuxuu cadeeyey inay soo weerareen  Shan Nin laba ka mid ah qolka ugu soo gashay kadibna rasaas la dhaceen” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Sade oo ka qeyb galay kullan ka dhacay Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya.

Odayaashu waxay isku raaceen in Raaskambooniyiintu ka dambeeyeen dilka Afhayeenkii Beeshaasi taasoo lagu cadeeyey in raggii dilka ka dambeeyey isagu tageen Saldhigyada Raaskambooniyiinta ku leeyihiin magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose.

Sidoo kale waxay tilmaameen inay wali helayaan xogag dhab ah islamarkana dheeraad ah iyagoo muujinaya in hanjabada ka imaanaysay Maamulka Raaskambooni ay ahaayeen kuwo is xig xigay aakhirkiina la dilay Marxuum Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle).

27-ka Bishan ayay ahayd markii kooxo dabley hubeysan gudaha ugu galeen Afhayeenkii Beesha Sadde Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle) kadibna la dhaceen rasaas fara badan taasoo sababtay in uu u geeriyoodo dhaawacii soo gaaray.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha maamulka KMG magaalada Kismaayo Axmed Madoobe kama hadlin eedeynta uga timid Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Sadde oo ku eedeeyey mas’uuliyada Afhayeenkii beeshasi oo lagu dilay Magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.