HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Boqortooyada Sucuudiga oo malaayiin Doollar ugu deeqday Soomaaliya.

01.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Boqortooyada dalka Sucuudiga ayaa sheegtay inay fulin doonto Barnaamij loogu gargaarayo Dadka ay saameenta ku yeesheen Abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya Sanadkii 2011-kii, waxayna Boqortooyadu sheegeen in lagu taageeri doono lacago gaaraya 271.8 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Sucuudiga Amir Maxamed Bin Nayif Bin Abdi Aziz oo boqortooyada u xilsaartay howlaha gargaarka Soomaaliya ayaa sheegay inay Boqortooyadiisu malaayiin doolar ugu deeqday dadkii saameeyey Abaarihii Soomaaliya.

La taliyaha Wasiirka Arrimaha Guddaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa tilmaamay in howlaha gurmadka gargaarka bani’aadanimo ay u fidinayaan Soomaaliya ay soo bilaabantay wixii ka dambeeyey abaarihii ka dhacay dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii ku dhawaaqista taageero Malaayiin doolar ah oo Boqortooyada Sucuudiga ugu deeqday Soomaaliya ayaa imaanaya xili shacbaka Soomaaliyeed saamayn ku yeeshay abaarihii dalka.

Si kastaba tani ayaa imaanaysa sidoo kale xili Boqortooyada Sucuudiga iyo Hay’ada Iskaashiga Islaamka ay kala sixiixdeen Heshiis ku qotoma sii dar dar gelinta Qidmadaha adeegyada Asaasiga u ah shacabka soomaaliyeed iyo waliba arrimaha dib u dhiska dalka Soomaaliya oo burbur xoogan ka muuqdo.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.