HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Alshabaab oo sheegtay inay dib ula wareegi doonaan gobolka Sh/dhexe.

01.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Dagaalyahanada Xarakada hubeysan ee Alshabaab ayaa sheegay inay dib ula wareegi doonaan deegaanada gobalka Sh/Dhexe oo dhawaan ay ka fara maroojiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xarakada alshabaab ee Sh/dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakudukade oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu shaaciyey  inuu socdo qorshayaal fara ballaaran oo ay ku doonayaan inay dib ula wareegaan deeganada gobalka Sh/ Dhexe ee gacantooda ka baxay.

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakudukade sidoo kalewuxuu sheegay inay socdaan weeraro ballaaran oo ay ku qaadayaan fariisimada ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolkaasi halkaasi oo ay dhowr weerar ka geesteen.

Dagaalyahanada hubeysan ee Alshabaab waxaa dhawaan lagala wareegay degmooyinka Balcad, Jowhar, Qalimoow, Mahadaay iyo deegaano kale oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Sh/dhexe, waxayna iminka shaaciyeen inay dhammaantood goobahaasi dib u hana doonaan qorshayaashii ay kula wareegi lahaayeena ay soo gabagabeeyeen sida uu yiri.

   Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.