HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Laamaha Amaanka dowladda oo ka hortagay Qorshe lagu dili lahaa Tarsan (Warbixin).

01.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Saraakiisha Laamaha Amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortagay Qorshe lagu dili ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Kullan Muqdisho ay ku yeesheen Saraakiisha Laamaha Amaanka, Guddoomiyayaasha 17-ka degmo, Guddoomiyaha gobolka banaadir iyo xubno kale  ayaa waxaa saxaafada loo soo bandhigay Qorshe la soo maleegay oo la doonayay in Tarsan lagu dilo.

Khaliif Axmed Ereg Taliyaha Ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay Xarunta gobolka ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Nin lagu magacaabo Tahliil C/laahi Nuur kana mid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ay Xarakada Alshabaab u adeegsadeen inuu qaarajiyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

“Ciidanka Nabad sugidu waxay heleen xog ku aadan in Tahliil ay Alshabaab u soo adeegsadeen qaarajinta Tarsan, hase yeeshee sida ay wax u rabeen nimanka nabad diidka ah uma dhicin waan ka hortagnay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Tahliil C/laahi Nuur oo goobjoog ahaa ayaa lagu cadeeyey in uu doonayay inuu Qarax Miino ah u adeegsado Dilka Guddoomiyaha  gobolka Banaadir isagoona qirtay in qorshahaasi ay fashiliyeen Laamaha Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.