HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Qaraxyo laga cabsi qabo inay ka dhacaan Dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

01.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka war qoraal ah oo ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ay suuragal tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya magaalooyinkooda waa wayn inay ka dhacaan qaraxyo sida Neyroobi, Kampala, Bujanbura, iyo Jabuuti inta lagu jiro munaasabadaha lagu weynaynayo xuska Sanadka Cusub 2013-da.

Mareykanka ayaa ka digtay in goobaha ay ka dhacayaan Xafladaha loo samaynayo Xuska Sanadka Cusub ee 2013-ka inay ka dhici karaan Qaraxyo ay ka fuliyaan Xoogaga Hubeysan ee Alshabaab, gaar ahaan wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniinta u dhalatay dalkaasi kuna sugan magaalooyinka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Neyroobi in aysan tegin kana qeyb galin xafladaha Sanadka Cusub loo samaynayo kuna nagaadaan guryahooda marba haddii uu gabalka dhaco.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in Mareykanku uu wax xun saadaalinayo amaanka dalkiisana qalqal iyo cabsi ku jirin, isagoo tilmaamay islamarkaana tusaale u soo qaatay hadalo sidan oo kale horay Mareykanka u saadaaliyey kaasoo ahaa in ay ka cabsi qabaan qaraxyo ka dhaca Neyroobi hase yeeshee aysan dhicin.

Kibaki ayaa uga digay dowladda Mareykanka inay joojiso wararka aan lahayn xaqiiqda oo ay baraha Internetka iyo warbaahinta la iska maqlo la iskana arko ku soo bandhito, isagoo ugu baaqay dowladda Mareykanka in ciidanka Kenya habeen iyo maalin ay ilaaliyaan amaanka goobaha dadka isugu yimaadaan.

Caawa ayaa la filayaa in meelo badan oo Caalamka gaar ahaan dalalka Masiixiga ah in looga dabaal dego Sanadka Cusub 2013-ka.

Ugu danbeyntii Xoogaga Alshabaab ayaa horay u sheegay inay qaraxyo waa wayn ka geysanayaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya hadba fursadaha ay u helaan weeraro inay geystaan waxaana laga cabsi qabaa meelaha xafladaha ay ka dhacayaan in qaraxyo lala bartilmaameedsado sida dowladda Mareykanka ka digtay.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.