HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Midowga Afrika oo ku howlan sidii ciidamo dheeraad ah loogu soo diri lahaa Soomaaliya.

03.Jan 2013.Homelandmedia,Net.Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ciidamo dheeraad ah loogu soo diri lahaa dalka Soomaaliya oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Alshabaab iyo dowladda Federaalka oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyada kooxda Ahlusunna Waljamaaca oo dhawaan shaacisay inay ku biireen dowladda.

Saraakiil u hadashay Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayaan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa ku howlan  sidii ay u soo kordhin lahaayeen Ciidamada kana imaana doona ciidamadaasi dheeraad ah Dalalka Siraliyoon, Ugandha, Kenya, Burundi iyo wadamo kale.

Waxay sheegeen Ururka Midowga Afrika inay xoojin doonaan howlgalada AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale Ururka Midowga Afrika ayaa balan qaaday inay Soomaaliya u soo dirayaan Quburo saraakiil Tababarayaal ah iyagoo Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ka dalbaday inay bixiyaan Dhaqaalaha iyo Qalabka Milatariga.

Saraakiisha Midowga Afrika ayaa sheegay in la taageero Ciidanka AMISOM ee howlgalka ka wada Soomaaliya dhinacyada Qalabka Milatari, Dhaqaale iyo waxyaabaha kale oo ay baahan yihiin.

Ugu danbeyntii hadalka ayaa imaanaya xili Soomaaliya ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan kuwaasoo dagaalo kula jira Xarakada Hubeysan ee Alshabaab.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.