HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kullamo la yeeshay Al-Bashiirka Suudaan iyo Golaha wasiirada dalkaas.

03.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safar ku jooga maalintii saddexaad dalka Suudaan si uu uga qeyb galo Munaasabadaha 57-guurada ka soo wareegtay markii uu dalkaasi Xornimada qaatay ayaa xalay Magaalada Khatuum ee Dalka Suudaan kullan xasaasi ah kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Golaha Wasiirada dalkaasi.

Prof: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Madaxweynaha Suudaan sidii xiriirka labada dowladood loo xoojin lahaa isla markaana dowladda Suudaan u sii wadi lahayd Taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kullanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi isugu jira Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Ciidan waxa uu ka dhacay madaxtooyda wuxuuna ka dalbaday in dowladdisa laga taageero dhinacyada Gargaarka, amaanka iyo dib u dhiska, iyadoo dhammaan dalabyadaasi uu aqbalay madaxweynaha dalka suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Ugu danbeyntii dalka Suudaan ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee sida weyn u daneeya arrimaha Soomaaliya, sidoo kale dalkaasi waxaa ku sugan ardey fara badan oo wax ka barata jaamadaha dalkaasi.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.