HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Maamulka Magaalada gaarisa oo ku eedeysay dhibaatada ka taagan dalkeeda Saraakiil ka tirsan Dowladdii KMG aheyd.

03.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Maxamed Macalin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ku eedeeyey Saraakiil ka tirsan Dowladdii KMG aheyd inay ka dambeeyaan Qaraxyada, Dilalka iyo Weerarada ka taagan dalkaasi, gaar ahaan Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha dhibaatooyinka ka jira Magaalada Gaarisa inay ka dambeeyaan Dhalinyaro Kenyaati ah oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya, dhalinyaradaas oo uu sheegay inay tababaro kala duwan horay ugu qaateen dalka Kenya kuna biireen dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed isagoo ku eedeeyey saraakiishaasi inay mas’uul ka yihiin Falalka Amaan darida ah ee ka dhaca Magaalada Gaarisa.

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa waxa uu sheegay inay dhalinyaradaasi Kenyaatiga ah horay ugu biiray dowladdii KMG aheyd ku adkaatay inay ka sii dagaalamaan gudaha Soomaaliya dibna ugu laabteen dalka Kenya ayna ka dambeeyaan dhibaatooyinka Amaan darida ah ee ka taagan Magaalada Gaarisa iyo waliba guud ahaan dalka Kenya.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii gudaha Soomaaliya ay soo galeen Ciidamada Kenya kuna soo biireen dagaalada Alshabaab waxaa gudaha dalkaasi ka dhacay Weeraro ay ka mid yihiin Qaraxyo, Dilal qorsheysan iyo Rabshado kale.

Ugu danbeyntii dhammaadkii sanadkii tagay ee 2012 kii waxaa Magaalada Gaarisa lagu dilay Sideed ka mid ah ciidamada Booliska iyo Saddex ka mid ah kuwa Milatariga, waxayna Kenyaatigu ku eedeeyaan rabshadahaasi inay ka dambeeyaan Xoogaga Hubeysan ee Alshabaab.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.