HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Maamulka Puntland oo digniin Culus u jeediyey dad ay sheegeen inay faraha kula jiraan Siyaasada Maamulkaasi.

03.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Iyadoo Xiisad dhanka Siyaasada ay ka jirto deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa arrinkaasi si kulul uga hadlay Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo digniin Culus u jeediyey dad uu tilmaamay inay faraha kula jiraan Siyaasada Maamulkaasi.

Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan ayaa tilmaamay in dadkaasi aysan maamulka ka warqabin caqabad ku yihiin Arrimaha Amniga ayna samaynayaan talaabooyin ay ku abaabulayaan Shacabka maamulka Puntland si ay rabshado u abuuraan.

“Maamulka Talaabo cad ayuu ka qaadi doonaan Siyaasiyiinta faraha kula jira arrimaha qalqal gelinta Puntland, waa inay ka waantoobaan talaabooyinka xun xun oo ay qaadayaan Siyaasiyiintaas” ayuu yiri Wasiirka Amniga maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay sii wadista dagaalada ay kula jiraan Xoogaga Buuraleyda Galgala ka dagaalama, isagoo tilmaamay inay ku soo biireen Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo dhanka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka yimid kadib markii sida uu tilmaamay looga soo itaal roonaaday dagaaladaasi.

Ugu danbeyntii deegaanada maamulka Puntland waxaa ka abaabulan kacdoono siyaasadeed ay horboodayaan Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaankaasi taasoo salka ku heyso Arrimaha Doorashooyinka madaxtinimada maamulka Puntland.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.