HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dowladda Soomaaliya oo Cafis u fidisay Dhalinyarada ka barbar dagaalama Alshabaab.

03.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cafis u fidiyey dhalinyarada ku jira Xarakada Alshabaab, isagoo ugu baaqay inay Dowladda isku soo dhiibaan kana faa’iideystaan Cafiyada loo samaynayo.

Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo kullan la qaatay Jaaliyada Soomaalida Khartuum iyo Ardeyda wax ka barata jaamadaha dalkaasi ayaa sheegay in ay horay Cafis ugu fidiyeen Dhalinyarada Alshabaab, isagoo sheegay in ay mar kale ku celinayaan Cafiskaas.

“Dhalinyarada la soo qalday waxaan u sheegaynaa in dowladda Cafis horay ugu fidisay haddana mar kale oo fidinayo, waxaana u balan qaadeynaa in aan Amaan iyo Fursado shaqo iyo waliba Waxbarasho gudaha iyo dibada siin doono” ayuu yiri Madaxweyne Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhalinyarada laga soo qafaalo sida uu yiri gobolada dalka si qasab ahna loo soo dagaal geliyo, kuwaas oo uu tilmaamay inaysan lahayn wax dambi ah dowladdana ay siin doonto Xuquuq gaar ah haddii ay dhanka dowladda ku soo biiraan.

Ugu danbeyntii dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay muddo 100 Maalmood ay u qabtay dhammatay waana mar kale loogu baaqayo Dhalinyarada Xarakada Alshabaab inay dowladda ku soo biiraan iskuna soo dhiibaan.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.