Dhalinyarada Soomaalida Mareykanka oo ku biiraya Shaqaalaha Dab Damiska dalkaas.03.Jan.2012
03.Jan.2012.Homelandmedia.Net. qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa mudooyinkaan danbe waxa ay bilaabeen shaqooyin aysan markii hore isku shuqlin jirin.
Magaalada minnesota ayaa hadda waxaa ku soo badanaya dhalin yarada isku howlaha sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen howlaha dab damisyada ee gobolada dalka Mareykanka.
Mid ka mid ah Soomaalida ku nool Minnesota ayaa tilmaamay in shaqaalaha Dab Damisyada Minnesota ay u badanaan doonaan Dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan Shaqooyinka dalkaasi Mareykanka.
Sidoo kale waxay sheegeen inaysan ku ekeen Shaqooyinka Dab Damisyada magaalada Minnesota hase yeeshee waxa ay xuseen inay qeyb ka tahay magaalooyin kale oo ka mid ah gobolkaasi.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale