HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyey in uusan raali ka ahayn ku dhaqanka Federaalisimka.(warbixin)

04.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey in uusan raali ka ahayn ku dhaqanka Federaalisimka iyadoo Su’aalo badan la iska weydiinayo ilaa iyo hadda sababta ka hortaagan Baarlamanka Soomaaliya inuu ogolaado ku dhaqamo Federaalisimka.

Iyadoo dhawaan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya dhexdooda iska soo dhex doorteen 15-Xubnood Guddi ah islamarkaana fududeeya arrimo badan oo Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyo in ay xal ka gaaraan ayaa haddana waxaa soo shaac baxay sida loo maareeyey doorashada Gudiyadan la magacaabay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo dhaliilsan guddigan ayaa ku eedeeyeen in ay u badan yihiin Dad ka soo horjeeda in soomaaliya lagu dhaqo habka Federaalisimka oo ah qaabka uu ku dhisan yahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda si cad looma garanayo sababta ka hortaagan Baarlamaanka Soomaaliya inuu ku dhaqmo Nidaamka Federaalisimka dood iyo buuq ba’an ayaana ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga la sameeyey ayaa shaqooyinkooda waxaa ka mid ah in ay go’aan ka gaaraan habka u wanaagsan ee Soomaaliya loogu dhaqmi karo Federaalisimka, iyagoo lagu eedeynayo inay ka horjeedaan ku dhaqanka Federaalisimka.

Sidoo kale Guddigan waxay go’aan ka gaari karaan doorka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelan karto maamul u samaynta gobolada Dalka Soomaaliya oo qurshuhu yahay in nidaam Federaalisim ah laga hirgeliyo.

Ugu danbeyntii arrintan eedeynta ah ayaa imaanaysa xili muddooyinkan dambe Baarlamaanka Soomaaliya uu dar dar xoog leh la soo baxay kaasoo ku aadan kullamada ay yeelanayaan in kastoo ay meesha ka marnayn dhaliilo fara badan oo Baarlamaanka loo jeedinayo kaasoo kaga imaanaya qeybaha kala duwan Bulshada iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.