HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Tarsan oo sheeegay in Guddoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir lala xisaantami doono.

04.Jan.2013.Homelandmedia.Net.Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa si kulul u dhaliilay Guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna faahfaahin dheer ka bixiyey qaabka uu u dhaliilsan yahay.

Tarsan oo la kulmay Guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Baanadir ayaa inay ka gaabiyeen ka mira dhalinta arrimaha degmooyinka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxa uu si cad ugu sheegay Guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir in la gaaray waqtigii la wada xisaabtami lahaa si looga miro dhaliyo howlaha badan ee horyaal Xaafadaha kala duwan ee gobolka Banaadir.

“Waxaa la gaaray xiligii si dhab ah looga mira dhalin lahaa horumarka degmooyinka gobolka Banaadir, ma ahan in Guddoomiye waliba iska seexdo isagoo aysan jirin cid la xisaabtanta, waxaa la gaaray waqtigii la wada xisaabtami lahaa si guulo la taaban karo looga gaaro howlaha horyaal Xaafadaha kala duwan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo u muuqanaya Nin gasha kala baxay  Seeftiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo arrimahan ka sii hadlaya ayaa ku nuux nuuxsaday in Guddoomiyayaasha Degmooyinka qaarkood ay ka seexdeen Arrimaha Nadaafada, Amaanka iyo waxyaabo kale oo Adeegyada Xaafadaha Degmooyinka Aas-aasi u ah.

”Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha gobolka Banaadir waxay ka seexdeen xagga Nadaafada, Amaanka iyo Horumarinta Xaafadaha waxay ila tahay in la iloobay in halkan ay tahay Caasimada dalka Soomaaliya, haddii aan Bilicda la soo celin macnaheedu magaalada waxay noqonaysaa meel Qashin qub ah, waxayna arrintu noqonaysaa in dadka ay magaalada ku tilmaamaan meel aan nadaafad lahayn amaana ahayn marka waa in nadaafada la horumariyaa” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Baanadir Ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kullan xasaasi ah la yeeshay Guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay Guddoomiyaha gobolka Banaadir dhaliilo u jeediyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir oo qaarkood ka soo dhalaalin waajibaadka shaqo ee loo igmaday Xaafadaha qaar waxaad ku arkaysaa qashin halka kuwo kale oo fara badan dhanka Amaanka dadka ay aad ugu dhaliilaan inay ka liitaan.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.