HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Amiirka Xarakada Alshabaab oo Hargeysa isku dhex qarinaya.

09.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Dad badan ayaa waxa ay si aad ah uga fekerayaan cida Mareykanka ogeysiisay xog ku saabsan in Xarakada Alshabaab Madaxdoodii ay joogaan magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Digniino isdaba joog ah oo u muuqday kuwo la adkeeynaayay ayaa ka soo kala baxay dowladda Mareykanka iyo Britain, digniinahaasi waxa ay daba socdeen Saraakiil Xarakada Alshabaab oo lagu arkay iyagoo dhex mushaaxaya Hargeysa.

Sarkaal ka tirsan maamulka Somaliland oo diiday in la ogaado magaciisa ayaa xaqiijinaya in Amiirka Xarakada Alshabaab Axmed Cabdi Aw-Godane uu gabaad ahaan ku joogo Hargeysa, laakiin wali uu is qarinayo.

Xarakada Alshabaab Saraakiishooda ayaa maciinsaday ku noolaanshaha magaalada Hargeysa si ay uga bad baadaan duulaanka iskaashanaya ee Qoorgoynta ah.

Warkaan ayaa ka yaabiyay intii akhrisay ama maqashay iyadoo madaxweynaha Somaliland uu hadda joogo Mareykanka lamana oga waxa uu ka qabanayo Halkaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.