HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u janjabay Alshabaab.

10.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisa ay wado qorshayaal ay guud ahaan dalka oo dhan kaga saarayso Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen howlgal Miltatari oo ay doonayaan inay gobolada Jubooyinka, Gedo, Hiiraan iyo gobolo kale ay kaga sifeyn doonaan wax uu ugu yeeray Argagixisada Xiriirka la leh Xarakada Alshabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay in nabad geliyada ay ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho mid la mid ah ku baahinayaan gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna dadka shacabka ah ugu baaqay inay garab istaagaan dowladda islamarkaana dalka Maalgashi ku samaystaan si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii hadalka Ra’iisul Wasaare Saacid waxa uu ku soo beegmayaa xili Xarakada Alshabaab ay ku hanjabtay dhinaceeda inay dagaalada  sii wadi doonaan ilaa guud ahaan dalka oo dhan kala wareegaan.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.