HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Amaan darida Deegaanada Puntland oo lagu eedeeyey Siyaasiyiin Caan ah.

10.Feb.2013.Homelandmedia.Net.C/samad Maxamed oo ah Guddoomiyaha gobolka Bari oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in amaan darida ka jirta deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan gobolka Bari ay ka dambeeyaan Siyaasiyiin ka soo jeeda maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in amni darida ka jirta Deegaanada Puntland ay ka dambeeyaan Siyaasiyiin ayka mid yahay C/laahi Saciid Samatar iyo liibaan muuse Boqor sida uu hadalka u dhigay.

“C/laahi Saciid Samatar waxa uu horay u ahaa wasiirkii Amniga Puntland isaga iyo Liibaan Muuse  Boqor waxay qeyb ka yihiin Amni darida ka jirta gobolka Bari” ayuu yiri C/samad Maxamed.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka bari iyo guud ahaan deegaanada Puntland inay ka horjeestaan falalka nabad geliyada qalqalka lagu gelinayo iyo abaabulada ay wadaan Sida uu tilmaamay siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi kuwaas oo qaarkood magacyadooda uu xusay.

Ciidamada Puntland ayaa bariyihii la soo dhaafay xabsiyada dhigay boqolaal dad ku lug lahaa banaanbaxyada ka dhacay deegaanada maamulkaasi oo looga soo horjeedo muddo kororsiga Faroole.

Ugu danbeyntii hadalkan ayaa imaanaya xili amaanka deegaanada Puntland uu u muuqanayo mid faraha ka sii baxaya maalinba maalinta kale ee xigta.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.