HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Faahfaahino ka soo baxaya dagaal dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Itoobiya.

10.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor’imaad sababay khasaare dhaawac oo dhexmaray Ciidamada Milateriga Itoobiya ee ku sugan xuduuda ay la wadaagto maamulka Somaliland ay toogteen Askar ka tirsan kuwa Booliska maamulka Somalialnd kuwaasoo gudaha u galay xuduuda ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya gaar ahaan deegaanka Wajaale.

Wararku waxay sheegayaan laba Askari oo ka mid ah kuwa Booliska Maamulka Somaliland ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen Ciidamada Milatareiga Itoobiya kuwaasoo saarnaa gaari anbad ah oo u talaabay dhinaca Itoobiya ee koonfurta magaalo Xuduudka Wajaale.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in askarta dhaawacyada soo gaartay ay ilaalinayeen gaadiidka Kontorobaanka ah waxaa goobta ka baxsaday ciidamada Somaliland ee dhawaca gaaray, balse ciidanka Itoobiya waxay la wareegeen gaarigii Booliska maamulka Somaliland ay wateen.

Labaddan askari ee dhaawaca ah ayaa magacyadooda la kala yiraahdaa Xuseen Daahir oo ah darawalkii gaariga ahaa, halka askariga kale  oo lagu magacaabo C/rashiid Maxamed Muxumed ay kaga dhacday bawdadda, waxaana shalay la geeyay isbitaalka magaalada Gabiley oo lagu daweynayo, inkastoo dhaawacoogu fududyahay.

Taliyaha laanta socdaalka Wajaale C/rashiid Axmed Xasan iyo Taliyaha Sirdoonka Jaamac Cabdi Yuusuf oo goobta uu shilkani ka dhacay booqday ayaa sheegay in masaafo 150-mitir ay askarta Somaliland gudaha u galeen xuduudda Itoobiya, isla markaasna ay gaarigii ay hayaan ciidanka Itoobiya, kana wada hadlayaan sidii loo sii deyn lahaa gaarigaasi.

Horay ayay marar badan sidan oo kale iska hor’imaadyo u dhexmareen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Somaliland deegaanada Xuduud beeneedka ay wadaagaan labada dhinac.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.