Hoteel casri ah oo laga furay Magaalada Muqdisho
10.Feb.2013.Homelandedia.Net.Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga furay hotel casri ah, iyadoo furitaankii hoteelkan ay ka qaybgaleen xubno ka socday xukuumada Soomaaliya, culumaa'udiin iyo qaar kamid qaybaha kalaa duwan ee ku dhaqan caasimada soomaaliya.
Hoteelkan oo lagu magacaabo Ramada ayaa waxaa laga furay kasoo horjeedka dhismaha wasaaradda arrimaha dibaadda ee Soomaaliya oo u dhexeysa isgoysyada Banaadir iyo Zope.
Ramada Hotel ayaa waxaa furtay ganacsato Soomaaliyeed, waxaana qaar ka mid ah ganacsatada furtay oo ka hadlay furitaankiisa ay sheegeen inuu leeyahay dhammaan adeegyada loo baahan yahay sida xawaalad, xafiisyada laga goosto tigidhada iyo masjid lagu tukan karo salaadda Jimcaha.
Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa hadda waxa ay la jaanqaadaysaa caasimadaha dunida marka loo fiiriyo xaga horumarka iyadoo ay aad ugu soo qulqulayaan qurbojoogto doonaysa in ay maalgashi ku samaystaan.









Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale