HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Qaxootiga ku jira Xerooyinka Talyaaniga oo ka cabanaya Cunto Xumo iyo dagaal dhexmaray….

13.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Qaxootiga Soomaalida iyo Ajaanibta kale ee safarka Tahriibka qatarta ah ku galay Dalka Talyaaniga ayaa ka cabanaya dhibaatooyin Cunto Xumo, iyadoona qaar ka mid ah Soomaalida xerooyinkaasi ku jira una kala safteen Reer Waqooyi iyo Reer Koonfur uu dhexmaray dagaal sababay qasaare dhaawacyo ah.

Xero lagu magacaabo Caramineo kuna taala gobolka Catania oo ay ku jiraan Qaxooti fara badan oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Bakistaan, Bangaladhesh iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa qaxootiga ku nool waxay ka cabanayaan Cunto Xumo.

Abshir Maxamuud Dhuuxyare (Abshir Turaayo) oo la soo xiriiray Warsidaha Homelandmedia.net ayaa sheegay inay heysato xaalad Nolol Xumo ah, islamarkaana Hilibka Raashiinka lagu siiyo ay isugu jiraan Hilib Doofaar iyo Dameer Farow haddii ay diidaan inay cunaana ay baahi u dhimanayaan.

“Xaaladeena waa mid aad u liidata waxaa ku jirnaa Xero Qaxooti oo hay’ad NGO-ah ay maamusho ma helno cuno nagu filan xitaa Hilibka nala siiyo waa Doofaar iyo Dameer Farow” ayuu yiri Abshir Maxamuud Dhuuxyare (Abshir Turaayo) oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhawaan galka ku ah Dalka Talyaaniga kadib safar dheer oo uu u maray sidii uu halkaasi ku gaari lahaa.

Dhinaca kale Abshir waxa uu sheegay in xarada ay ku jiraan dagaal ku dhexmaray Dhalinyaro Reer Waqooyi iyo Reer Koonfur waxaana ku dhaawacmay 10 qof kuwaas oo ay ku jiraan Dumar Toorey isla dhacay kuwaas oo wali jiifa Isbitaal.

Iska hor’imaadka dhexmaray Soomaalida ku nool Xeradaasi ayuu sheegay inuu salka ku hayo Arrimo Dumar kadibna dagaal gacan ka hadal ah oo dhiig badan ku daatay dhexmaray iyadoo markii dambe arrinta ay soo dhexgaleen Ciidamada Booliska Talyaaniga.

Ma ahan markii ugu horaysay Soomaalida ku nool dalka Talyaaniga ay ka cowdaan dhibaatooyin kala duwan hase yeeshee waa markii ugu horaysay dagaal gacan ka hadal dhiig ku daata islamarkaana in ka badan 10 ruux ku dhaawacmaan dhexmarto Soomaalida ku nool Xerooyinka dalkaasi.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.