HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Gudoomiyaha Gudiga fulinta Ahlusuna  Sheekh Maxamed yuusuf Xeefoow oo geeriyooday 

13.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Waxaa goor dhow geeriyooday Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka tirsanaa ururka Ahlusunna Waljamaaca sida uu xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ahaa Guddoomiyihii guddiga Fulinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho oo ay maamusho Ciidamada AMISOM kaasoo ku dhexyaala xerada Xalane.

Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Sheekh Xeefow isagoo xalay ku sugnaa Magaalada Guriceel ku soo booqday Xanuun kadibna saaka loo soo qaaday Magaalada Muqdihso ugu dambeyntiina isbitaalka Xalane ku geeriyooday.

Ugu danbeyntii Mas’uulkan u hadlay Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale geerida Sheekh Yuusuf Xeefow uga tacsiyeeyey dhammaanba Shacabka Soomaaliyeed.

   Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.