HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Dil Sarkaal ka tirsan Nabad sugida oo xalay  loogu geestey Degmada Shibis.

11.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho ku dileen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Nabad sugida gobolka Banaadir, iyadoo Taliska Ciidanka Booliska degmadaasi ay sheegeen in dilkaas u qabteen nin ay ku tuhmayaan inuu ka dambeeyey dilkaas.

Gaashaanle Mukhtaar Xaaji Cumar oo ah Taliyaha Degmada Shibis oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in ninka ay qabteen uu ku dhaawacmay rasaastii ay ku fureen Ciidamada dowladda ee baacsanayay dilka Sarkaalka kadib.

“Dilka Sarkaalka waxa uu ka dhacay goob Photo ah ciidamo ayaa ku sugnaa marka dilka uu dhacay waxay daba galeen oo rasaas ku fureen Ninka dilka geystay ilaa ay kaga daba tageen halka ay iska galaan degmada Shibis iyo Yaaqshiid” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Shibis Mukhtaar Xaaji Cumar.

Si kastaba ha ahaatee dilka Sarkaalka nabad sugida ka tirsanaa ee xalay ka dhacay degmada Shibis ayaa imaanaya xili Xaafadaha magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgalo ballaaran oo ay wadaan Ciidamada Booliska, Nabad sugida, AMISOM kaasoo lagu xaqiijinayo Amaanka Degmooyinka gobolka Banaadir.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.