HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Taliyaha Ciidanka xooga Dalka Soomaaliya oo Isku day dil ka badbaaday!!!.

13.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Sida lagu qoray Wakaalada Wararka u faafisa dalka Turkiga ee Andoliya ayaa lagu shaaciyey in Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Gen: C/qaadir Sheekh Cali Diini uu ka bad baaday isku day la qorsheeyey in lagu dilo.

Wakaalada ayaa sheegtay in Taliyaha xili uu ku sugnaa magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay lagu weeraray dhowr qarax waxaana ay sheegtay inuu ka badbaaday qaraxyadaasi loo waday Taliyaha.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in Taliyaha haba yaraatee wax qasaare ah ka soo gaarin qaraxa laakiin qaar ka mid ah Ilaaladiisa ku dhaawacmeen iyo Ciidamo Itoobiyaan ah.

Wakaalada oo soo xiganaysa Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda gobolka Baay ayaa shegay in Taliyaha uu ka badbaaday isku daygaasi, hase yeeshee ay wax ku noqdeen Askarta dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ilaalo ka hayay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Gen: C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Sarkaalka wuxuu kale uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay ruuxii ka dambeeyey qaraxii lala damacsanaa Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Gen: C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Ugu danbeyntii waa markii ugu horaysay Gen: C/qaadir Sheekh Cali Diini Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya uu ka bad baado isku day dil.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.