HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Midowga Yurub oo ka digay tababarka Ciidamada dowladda loo wareejiyo Soomaaliya.

14.Feb,2013.homelandmedia.Net.Ururka Midowga Yurub ayaa ka digay tababarka Ciidamada dowladda Soomaaliya loogu sameynaayo dalka Ugandha in loo wareejiyo gudaha wadanka Soomaaliya.

Taliyaha Hogaaminaya howlgalka iyo tababarka Ciidamada Soomaalida ee Midowga Yurub Gen: Gerald Ahern ayaa hadal uu ka jeediyey kullan ay lahaayeen Wasiirada Difaaca Midowga Yurub in aan lagu fududaanin in loo wareejiyo Ciidamada tababarka ah dalka Soomaaliya maadaama sida uu yiri Amniga wali aan la isku halayn Karin.

Wuxuu sheegay Taliyaha in aan loo baahnayn xiligan in Tababarka Ciidamada Soomaaliya oo ay bixiyaan Saraakiil Ajaanib ah in loo wareejiyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadeeda waxaa lagu tababaara dalalka Ugandha, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo ay ciidamo ka wada joogaan dhammaan dalalkaasi gudaha dalka Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.