HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Al-shabaab oo ka hadlay geerida Sheekh Xeefow.

14.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Xarakada Alshabaab ayaa ka hadlay geerida ku timid maalintii shalay Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xarakada Alshabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin Dhimashada Xeefow.

Sheekh Xasan Yacquub Guddoomiyaha Xarakada Alshabaab gobolka Galgaduud ayaa ku eedeeyey Sheekh Maxamed Xeefow inuu ka dambeeyey keenista Ciidamada Itoobiya oo wali ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha sidoo kale waxa uu sheegay in qof kasta ay fariin u tahay dhimashada Xeefow dadka dalkooda Iibsanaya sida uu yiri Sheekh Xasan Yacquub Cali.

Dhanka kale Qaban qaabada Aaska Xeefow ayaa iminka ka socota magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu wado in lagu Aaso.

Xubno ka tirsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo ku sugan Muqdisho ayaa xaqiijiyey in lagu Aasayo Xeefow Magaalada Guriceel oo hadda qaban qaabadiisa ay ka socoto.

Marxuum Xeefow ayaa u geeriyooday Xanuunka Sonkorta oo si aad ah ugu kacsanaa shalayna ku geeriyooday Isbitaalka Xalane ee Magaalada Muqdisho xili lagu waday in loo qaado Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya hase yeeshee tii Rabi ka soo hormartay qaadistiisa.

Ugu danbeyntii wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyey amaanka iaydoo Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca, Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qeybqalayaan Aaska Marxuumka.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.