HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday Muqdisho.

14.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Xildhibaan Nuur Cali Aadan ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, kadib markii uu ku soo baaday Xanuun loo malaynayo Wadna Xanuun.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Nuur Cali Aadan ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo horay Wasiirka Cadaalada Xukuumadihii KMG ahaa.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida Xildhibaanka, isagoo tilmaamay in dhawaan uu qorsheynayay in xaalad Caafimaad dalka dibadiisa ugu amba baxo.

Wararka waxay sheegayaan in Xildhibaan Nuur Cali Aadan lagu aasi doono Caasimada Magaalada Muqdisho islamarkaana magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaqa Aaska Xildhibaankaasi.

Ma ahan markii ugu horaysay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya u geeriyoodo xanuuno kala duwan oo soo wajaha mudanayaasha Baarlamaanka iyadoo xanuunada ay eebsadaan ay u badan yihiin Sokorta, Dhiig-karka iyo Wadna Xanuunka.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.