HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo ku lan la qaatay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya kana hadlay...

16.Feb.2013.Homelandmedia.Nt.Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin magaalada Addis Ababa ayaa gelinkii dambe ee shalay kulan la qaatay Ra’isul wasaaraha dalkan Ethiopia Hayle Mariam Disale.

Kulanka dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkeenna iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia ayaa ka dhacay aqalka Madaxtooyada ee looga aramiyo dalkan Ethiopia waxaana Gudoomiye Jawaari kulanka ku wehlinayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad,gudoomiyeyaasha gudiyada Baarlamaanka joogtada ah ee Baarlamaanka, mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia iyo Safiirka Dowladda Ethiopia u fadhiya magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Ra’isul Ethiopia Hayle Mariam oo xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkeenna ayaa uga mahad celiyey wafdiga uu Gudoomiyaha hogaaminayo socdaalkooda ay ku joogaan magaalada Addis Ababa waxaana uu Ra’isulwasaare Mariam intaasi ku daray in socdaalkiisii ugu horeeyey uu ku yimaado Ethiopia Gudoomiyaha Baarlamaanka ay muujineyso sida uu xiligan u wanaagsanyahay xiriirka dalalka deriska ah,isna dhinaciisa ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka mahad celiyey casuumadda loo fidiyey iyo soo dhaweynta loo sameeyey.

Mahad celin kadib ayey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia wada yeesheen kulan saacad qaatay waxaana kulankaasi markii uusoo dhamaaday la hadlay Saxaafadda Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkeenna oo isagu sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Ra’isulwasaaraha qodobbo quseeya xiriirka labada Dal islamarkaana qodobadii laga wada hadlay ay isku afgarteen.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xusay in qodobadaasi loo hirgelin doono si ay ku dhisantahay iskaashi iyo deris wanaag.

Shaley ayey aheyd markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kula kulmay xarunta Baarlamaanka Dalkan Ethiopia dhigiisa dalkan oo ay wada gaareen is afgarad buuxa oo ku dhisan wada shaqeyn labada Baarlamaan si joogta ah u dhexmarta.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.