HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u codsatay in cunaqabateynta hubka laga qaado

16.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Golaha Amaanka kasoo jeedisay khudbada ay dowalda soomaaliya  taageero uga codsatay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka iyadoo ugu horeyntii khudbadeeda ku sheegtay in maanta dalka Soomaaliya dib uga soo kabanayo dagaaladii sokeeyo isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed ay qabaan rajo wanaagsan iyo mustaqbal wanaagsan oo xiligan usoo iftiimaya.

Fowsiya ayaa sheegtay in dib usoo nooleynta Soomaaliyda cusub ay saldhig u noqoneyso maamul wanaag iyo qodobo ay kamid yihiin: Sugida Amniga, Maamul iyo Garsoor cadaalad ah, Kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga, horumarinta iyo gargaarka bini’aadamnimo, soonooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, illaalinta iyo xoojinta madax banaanida dowlada iyo dhulka Soomaaliya.

Ra’isul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa sheegtay sida ay tiri  in guulo waaweyn laga gaaray dagaalkii ay dowladda iyo ciidamada AMISOM la galeen Al Shabaab, isla markaana laga saaray dhul badan oo ay ku jirto caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxayna sheegtay in hawlgalkaasi uu sii socon doono illaa guul rasmi ah laga gaarayo

Dowlada Soomaaliya waxay hadda bilowday oo ay wadaa sidii loo dhisi lahaa maamulo gobaleedyada dalka Soomaaliya oo laga soo dhisayo heer hoose. Shacabka ku dhaqan gobalada ayaa soo dhisan doona maamuladooda sida ku xusan Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya. Dhismaha maamul gobaleedyada waxay xoojineysaa xiriirka dowlada dhexe ee Federaalka iyo bulsho weynta Soomaaliya, middaasi oo muhiim u ah adkeynta madaxbanaanida iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, ayey tiri Fowsiya Yusuf oo khudbada ka horjeedineysay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Marwo Fowsiya oo khudbadeeda waxaa kale oo ay ku  sheegtay in arrimaha sugida amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya ay laf dhabar u tahay ciidamo awoodleh oo uu yeesho dalka Soomaaliya.waxayna tiri iyadoo arrimahaasia ka hadleysa “Lagama takhalusiko khatarta Al shabaab iyadoo aan la helin ciidamo Soomaaliyeed oo awoodleh, waana mida ay dowlada Soomaaliya hada ku dooneyso inay dhisto ciidamo xoogleh.Haddii la doonayo in wakhtigii loogu talo galay lagu sugo amniga KOONFURTA Soomaaliya waa lama huraan in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay dowladdu xaqiijineysaa inay adkeyn doonto hay’adaha dowliga ah si aan hubka si khaldan gacanta ugu gelin dadka aan loogu talo gelin. Sidoo kale waxay dowladdu  wax badan ka qaban doontaa dhowrista xaquuqul insaanka iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah Saxaafadda iyo haweenka Soomaaliyeed, ayey tiri Fowsiya Yusuf oo khudbadeeda uga jawaabeysay walaac Qaramada Midoobay ka qabaan xaalada xuquuqul insaanka ee dalka Soomaaliya.

Dhamaan horumarka la doonayo in laga gaaro dib u dhiska iyo xasillinta Soomaaliya waxaa la gaari karaa markii  la helo taageero dhameystiran oo ka timaada dhanka beesha caalamka oo ay gacan naga siiyaan dhanka farsamada iyo dhaqaalaha, ayey tiri Fowsiya Yusuf oo intaasi ku dartay  “Somaliya waxay hadda dooneysaa inay dib u dhisato ciidamadeda sida ay ulla wareegaan guud ahaan amniga dalka,iyadoo dhinaca kale ugu baaqday hay,adaha qaramada midoobay inay usoo guuraan gudaha soomaaliya,waxayna gabagabadii khudbaddeeda  martiqaad u dirtay dhamaan xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay yimaadaan magaalada Muqdisho oo ay arkaan horumarka nabadeeda ee halkaasi laga gaaray sida tiri .

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.