HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Wararkii ugu danbeeyay dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa xarakada al-shabaab ku dhexmaray deegaanada...

16.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Dagaal culus ayaa ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray doraad  deegaanka Ceel-dibir oo ka tirsan degmada Ceelaayo ee gobolka Bari oo dhinaca galbeed kaga beegan degmada Boosaaso,iInkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay ayaa haddana wararka laga helayo waxay  sheegayaan in dagaalkaas ay kasoo gaartay labada dhinac dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda rasmiga ah la ogeyn.

“Weerarka waxaa soo qaaday ciidamada Puntlnad oo wata 18-gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay hawada ka taageeraysay shirkadda SARISAN, waxayna duulaan ku ahaayeen mujaahidiin ku sugan aagga Ceelaayo, dagaal xooggan ayaana halkaas ka dhacay wayna ku jabeen dagaalkaas” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo ah afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi

Afhayeenka Al-shabaab ma uusan sheegin haddii uu jiro  khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka, balse wuxuu sheegay in khasaare xooggan ay u geysteen ciidamada Puntland, ayna ku qasbeen inay dib ugu laabtaan goobihii ay markii hore kasoo duuleen.

Dhinaca kale Kulan saxaafadeed uu ku qabtay gudaha Magaalada Boosaaso wasiir ku xigeenka wasaarada Amaanka Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed ayaa waxa uu ku sheegay in dagalkaasi ay la galeen xoogag ka tirsan xarakada Alshabaab oo khasaare kala duwan u geysteen sida uu yiri dhinicii ka soo horjeeday wuxuuna intaasi ku daray in dagaalkaasi lagu dilay laba ka mid ah xarakada la dagaalantay ciidankooda isagoo sidoo kale sheegay inay jiraan sida uu yiri dad ay ka qabteen.

Wararka laga helayo dhinaca Puntland waxay intaas ku darayaan in gaari ay ciidamada Puntland wateen uu rogmaday markii laga soo laabtay dagaalka ayna ku dhaawacmeen saddex askari oo ka mid ahaa kuwii saarnaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal uu dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugan deegaannadaas, iyadoo maamulka halkaas ka taliya ay horay uga digeen qul-qulka Al-shabaab ay ku imaanayaan Puntland.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.