HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Sanad guuradii 51waad ee aas aaska ciidamada Badda Soomaaliya oo maanta Muqdisho looga dabaal degay.

17.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Muqdisho (Sh.M.Network)  Munaasabadaan oo lagu Maamusayay 51 Guuradii ka soo Wareegatay Aasaaska Ciidanka badda dowladda Soomaaliya oo Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan waxaana Munaasabadda Looga hadlayay dowrka iyo Ahmiyadda ay leeyihiin Ciidanka Badda Soomaaliya iyo sida ay uga hortagi karana Burcad badeeda Soomaalida iyo Kaluuimeysiga Sharci darrada ah oo Maraakiibta shisheeye ay Ku hayaan Xeebaha waddanka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Badda Admiral Faarax Axmed Cumar “Qare”  oo khudbd ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamadu ay soo mareen shan sano oo ay ku dhisnaayeen duruuf adag maantana ay marayaan heer lagu tashan karo haddii loo helo qalabka ay u baahan yihiin.


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/kaiin Maxamud Xaaji Fiqi ayaa khudbad uu jeediyay ugu hambalyeeyay ciidamada munaasabadda isagoo caddeeyay in xalka kaliya ee loo heli karo dhibaatada ka jirta xeebaha Soomaaliya ee ay ku jiraan Burcad badeedda uu yahay in la dhiso lana tayeeyo ciidamada Badda Soomaaliya. 
 

Abaanduulaha Ciidanka Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya Jeneraal Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhuna Maye iyo Saraakiil kale oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in lagarab istaago Ciidamada badda Dowladda Soomaaliya dib u dhiskoodana laga qayb qaato.

Ugu dambeyn ayaa waxaa halkaasi dhoola tus ku soo bandhigay Ciidamada Badda dowladda Soomaaliya kuwaas oo Muujiyay qaabka ay ugu diyaarsanyihiin in ay ka howl Galaan biyaha Soomaaliya

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.