HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Ameeriko oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay is-hortaagtay qorshihii ay dowladda Kenya ku dooneysay in….

18.Feb.2013.Homelanmedia.Net.Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in dowladda Soomaaliya ay is-hortaagtay qorshe ay Kenya ku dooneysay in ciidamadeeda badda loo maalgeliyo si ay uga howlgalaan xeebaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inay is-hortaagaasi ay ka dambeysay wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Maxamed Cali Nuur {Ameeriko} oo wareysi siiyey Wargeyska The Daily Nation ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay is-hortaagtay qorshihii ay dowladda Kenya ku dooneysay in $10-milyan doolar lagu siiyo, kaas oo ay ka dooneysay Kenya inay u ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna xusay inaysan Soomaaliya ishortaagin, wasiiradda arrimaha dibaddana warkeeda uusan aheyn is hortaag iyo diidmo.

“Waxaan doorbidaynaa aniga ka safiir ahaan in nalaga caawiyo dhisitaanka ciidankeena badda, kaas oo kharash badani uusan ku baxeyn, ahna mid howl kar ah oo soo celin kara nabadgelyada Soomaaliya iyo tan gobolkaba, sidaasi oo ay tahay dowladda marnaba ma hor-istaagin in Kenya ay Qaramada Midoobay lacag siiso” ayuu yiri safiir Ameeriko oo intaasi ku daray in si khaldan loo fahmay mowqifka Xuukumadda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan ka horimaaneyn haddii Kenya ay taageero dhaqaale u raadsaneyso ciidankeeda badda.

“Dowladda federaalka Soomaaliya marnaba kama soo horjeedo taageerada la siinayo ciidamada badda ee Kenya, waana mid u taala dowlada Kenya nooca taakuleynta ay doonayaan inay Qaramada Midoobay ka helaan, annaga ka Soomaali ahaanna wax naga galay ma jirto haddii ay Kenya lacag helayso iyo haddii kaleba” ayuu yiri markale Safiir Ameeriko.

Hadalka safiirka Soomaaliya ayaa yimid xilli Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka sheegtay golaha ammaanka ee qaramada midoobay in Soomaaliya ay ka haysato dhibaato dhinaca burcad badeeda iyo soo galinta hubka sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya,balse aysan ogolaan doonin in ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM ay ka howlgalaan biyaha Soomaaliya.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.