HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Garab ka mid ah Xizbul Islaamkii Burburay oo dalbaday wadahadal.

18.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Afhayeenkii ururkii burburay ee Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin ayaa ugu horeyn ka hadlay dilkii loo geystay ALLE ha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamey isagoo dilka Sheekhaasi ku tilmaamay mid lagu xumaado isagoo tacsi u diray Eheladii uu ka baxay Sheekhu.

“Haddii aynu nahay garab ka mid ah Xizbul Islaam waa ka xun nahay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamey waan cambaareyneynaa” ayuu yiri Afhayeenkii Ururkii Burburay ee Xizbul Islaam.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa sheegay in mar kale dib boorka uga jafayaan ururka Xizbul Islaam oo burburay kadib markii siyaasadoodii ay ku biiriyeen Xarakada Alshabaab balse iminka uu tilmaamay inay dib ugu soo laabanayaan  dhanka Siyaasada ee howlaha ururka ee gudaha dalka Soomaaliya.

Ururka xizbul Islaam waxaa horay u hogaamin jiray Dr. Cumar Iimaan Abuubakar iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys waxayna dagaalo culus la galeen dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada shisheeye, hase yeeshee Afhayeenkii ururkaasi Sheekh Maxamed Macalin waxa uu sheegay in wax waliba ay is badaleen maadaama uu dalka ka baxay xaaladii KMG ahayd sidaas darteedna ay diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan Dowladda Cusub.

Ugu danbeyntii garab ka mid ah ururkii Burburay ee xizbul islaam ayaa horay ugu dhawaaqay inay ka soo laabteen Xarakada Alshabaab waxayna hadda hogaamiyayaal ka tirsanaa ururkaasi sheegeen inay dib boorka uga jafayaan magacii ay lahaayeen wada hadalna ay diyaar u yihiin.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.