HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Qiima dhac ku yimid Sicirka Raashiinka Suuqyada Magaalada Muqdisho (Warbixin)

18.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Qiimaha RAashiinka Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa hoos u soo dhacay taasoo keentay in culeys aad u ballaaran uu ka dego qeybaha kala duwan Bulshada oo intooda badan laga biilo lacago gunooyin ah oo looga soo diro dalka dibadiisa.

Haddaba qiimaha dhacan Raashiinka ayaa yimid kadib markii ganacsatada Sarafika iyo kuwa Raashiinka qeybahiisa kala duwan kullan gaar ah ka yeesheen arrimaha Sarifka oo dhowrkii maalmood u dambeeyey hoos u dhacay.

Arrintani ayaa waxay keentay in laga dareemo suuqyada magaalada Muqdisho ay hoos uga dhaceen qiimaha la iibinaayay waayadan noocyada kala duwan ee badeecooyinka halkaas looga ganacasdo, kuwaasoo inta badan shey kasta inta la iibin jiray kala bar hoos uga dhacay waxaana taasi soo dhaweeyey dadkii u dhibanaa muddooyinka Sarakicii ku yimid badeecooyinka iyo hoos u dhicii Sarifka Doollarka.

Mar aan gudaha u galay Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo waliba Suuq Bacaad ayaa waxay indhaheygu qabteen isbedelka jira maxaa yeelaay waxaa camirmay baqaaradii raashiinka iyo kuwii bagaashka oo in muddo ahba faaruq taagayay waxayna qaar ka mid ah Ganacsatada ay noo  xaqiijiyeen in xaaladooda ganacsi ay hadda aad u wanaagsan tahay kadib markii ay isla jaan aadeen Ganacsiga noocyadiisa kala duwan iyo Sarifka lacagaha qalaad oo Sanooyinkii u dambeeyey midka si gaar ah u socday.

Qiimaha lagu sarifayay Doollarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay iyadoo boqolkii doollar hadda uu sii caga cageynayo (Hal malyan iyo Sideed Boqol kun Shilin Somalia ah) iyadoo mararka qaarna ay dhacdo in qiimahan u hoos uga sii dhaco.

Sidoo kale wararka aan ka helayno dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay aad ugu farxeen qiima dhaca ku yimid qeybaha kala duwan maciishada qutul daruuriga ah, waxayna tilmaameen haddii ay xaalada sidan sii ahaato suurageli doonta inuu si caadi ah ku soo noqdo qiimaha Sarifka iyo maciishada noocyadiisa kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay hadba heer aan caadi ahayn soo maray.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.