HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Warar sheegaya Ciidamo ka socda Jabuuti oo la geynayo gobolka Galgaduud.

19.Feb.2013.Homelandmedia.net.Warar soo baxay ayaa sheegaya in Ciidamo ka socda dalka Jabuuti islamarkaana qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la geeyo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la diyaariyey ciidamo ka socda Jabuuti oo la geynayo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan la geynayo magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo deegaano kale islamarkaana qorshahan oo la diyaariyey lagu dhaqaaqi doono maalmaha soo socda.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Maleeshiyada Ahlusunna Waljamaaca oo tababaro qaatay ayaa iyaguna kala qeyb qaadanaya Ciidamada Jabuuti sugida Amaanka gobolka Galgaduud.

Ugu danbeyntii Ciidamada Jabuutiyaanka ah ee loo wado gobolka Galgaduud ayaa imaanaya xili dhawaan magaalada muqdisho Xanuunka Sonkorta ugu geeriyooday Guddoomiyihii Golaha fulinta Sheekh Maxamad Xeefow.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.