HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Maamulka Gobolka Sh/dhexe oo Iclaamiyey duulaan hor leh inay ku yihiin deegaanada ay Alshabaab ka maamulaan gobolka.

19.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe ee maamulka dowladda Soomaaliya Cabdi Cismaan Ibraahim oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda ay duulaan ku yihiin deegaano ka tirsan gobolkaasi, si ay halkaasi uga saaraan Xoogaga Alshabaab oo maamula qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Wuxuu sheegay ku xigeenka dhinaca maaliyada maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda Soomaaliya inay haatan ku wajahan yihiin deegaano hor leh kana tirsan gobolka oo ay ka taliyaan xoogaga Alshabaab, waxaana ka mid ah deeganadaasi Raaga-ceele, Warsheekh iyo deegaano kale.

“Waxaan dooneynaa in aan samayno howlgalo cusub oo lagu ciribtirayo Alshabaab Qorshaheena ugu horeeya waa Warsheekh, Raaga-ceele iyo deegaano kale” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanka gobolka Sh/dhexe iyo maamulka xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo islamarkaana dadku ay doonayaan in Xarakada Alshabaab goobaha haatan ay maamulaan gacantooda laga saaro sida uu warka u dhigaye.

Ugu danbeyntii xoogaga Alshabaab waxaa dhowr aag dagaal kaga furan gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud, Jubooyinka, Gedo, Sh/dhexe, Sh/hoose iyo meelo kale waxaana saacadihii la soo dhaafay lagala wareegay Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

   Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.