HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dad lagu dilay Gaalkacyo iyo baaritaan socda.

19.Fb.2013.Homelandmedia.Net.Waxaa xalay lagu dilay Xaafada Garsoor Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Saddex ruux oo rayid ah, iyadoo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilalkaasi.

Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Saddexdaasi Nin ku toogtay Xaafada Garsoor lamana oga sababta ka dambeysa dilalka raggaasi oo magaalada si weyn looga yaqaanay.

Lama yaqaano kooxaha dilkaan ka dambeeyeen cida ay ka amar qaataan iyo sababtii ay u dileen saddexdaasi ruux.

Xaafadaha Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo xalay xaalad kacsanaan ah ka jirta ayaa saaka la soo sheegayaa inay howlgalo ka wadaan Ciidamada Booliska kadib markii ay ka dhaceen dilal kala duwan oo loo geystay dad rayid ah.

Ugu danbeyntii maalmo ka hor ayay ahayd markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Taliye ku xigeenka Maamulka Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

  Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.