HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Taliska AMISOM oo sheegay in waqtigaan aan loo baahnayn Ciidamo dheeraad ah lagu soo kordhiyo Soomaaliya.

19.Feb.2013.Homelandmedia.Net.Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col: Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in Dowladda soomaaliya iyo Shacabkeeduba ay isku tashadeen wax yarna ay u dhiman yihiin, isagoo tilmaamay in waqtigaan aan loo baahneyn Ciidamo AMISOM ah lagu soo kordhiyo kuwa hadda jooga gobolada iyo Caasimada dalka ee Muqdisho.

Col: Xaamud ayaa sheegay in golaha sare Midowga Afrika uu go’aansaday in la sameeyo tiro dhimis ku aadan Ciidamada AMISOM balse aysan ahaan doonin waqtiyada soo socda isaga oo sheegay in dalka Soomaaliya ay ka maaranto Ciidamo uga yimaada dalka dibadiisa.

“Soomaaliya way isku tashatay waqtigan way ka maarmaan in ciidamo dheeraad ah lagu soo kordhiyo kuwa hadda jooga gobolada iyo Caasimada Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col: Cali Aadan Xaamud.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay buuxineyso qaabkii loogu talagalay ciidamada Adduunka hase yeeshee u harsantahay in la kordhioy tirade iyo tayada Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku sii siqayaan degmooyin, Deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya oo ay horay u maamulaysay Xarakada Alshabaab.

 

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.