Dowladdaha Mareykanka iyo Canada oo si isku mid ah u cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay Gaarisa.
02.July.2012.HOMELAND.Dowladdaha Mareykanka iyo Canada ayaa waxay si isku mid ah u Cambaareeyeen qaraxyadii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay Labo kaniisadood oo ku yaala Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.
Warbixino Qoraalo ah oo ka soo baxay dowladdahaasi ayaa lagu sheegay in ay si xun u Cambaaraynayaan Weeraradii Qaraxyada maalintii shalay lagu qaaday Labo Kaniisadood oo dad Kirishtani ah ku cibaadaysanayeen.
“Waan Cambaaraynaynaa waana ka xunahay qaraxyadii Gaarisa” ayay ku sheegeen warkaasi qoraalka ah ee ka soo baxay Dowladaha Mareykanka iyo Canada, iyagoo ugu baaqay Maxkamada sare Muslimiinta Kenya inay Cambaareeyaan una tacsiyeeyaan dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaasi.
“Waxa aan taageereynaa in dalka Kenya in ay ku nool yihiin dad kala diin iyo kala dhaqan ah in haddana ay uga horreyaan aduunka” ayaa lagu yiri markale wararka siyaabooyinka isku mid ka ah uga soo baxay Dowladdaha Maraykanka iyo Canada.
Ugu danbeyntii maalintii shalay ayay ahayd markii Qarax aad u culus lagu weeray labo Kaniisadood oo ku yaala Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya, waxayna Saraakiisha Booliska iyo kuwa Caafimaadka Kenya ay qireen in qasaare culus uu sababay weeraradaasi.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale