Maxaa ka jira in Madaxweyne Shariif booqanayo Magaalada Hargeysa..? (Warbixin).
04.July.2012.HOMELAND.Kadib markii Magaalada Dubai ee Dalka Isku taga Imaaraadka Carabta lagu soo gabagabeeyey Kullan toos ah oo ay wada yeesheen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Siilaanyo ayaa warar soo baxay oo na soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG uu booqanayo Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa inta aysan wada hadalada tooska ah la furan Dowladda KMG Soomaaliya waxay ka soo horjeedeen inay deegaanada maamulkoodu uu ka arrimiyo gaaraan Xubin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, laakiin lama oga waxa go’aamadaasi iska badalay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Siilaanyo kullankoodii Dubai wax badan isla fahmeen, iyadoo dhanka maamulka Somaliland ay ka soo dabceen mowqifo adag oo ay horay u heysteen.
Booqashada la qorsheynayo in Shariif Sheekh Axmed ku gaaro magaalada Hargeysa ayaa ah mid codsi ahaan ka timid Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya inuu booqdo Magaaladaasi, islamarkaana kullamo kula qaato Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha kale ee maamulkiisu.
Dowladda Ingiriiska ayaa wada dadaalo ay ku doonayso inay mar kale isku keento Maamulka Somaliland iyo Dowladda KMG Soomaaliya si ay uga wada hadlaan masiirka dambe ee dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in bishan aynu ku jirno ee Luulyo daba yaaqadeeda inuu booqdo Magaalada Hargeysa, lamana oga in haddii Shariifka uu booqdo Hargeysa in Siilaanyana markiisa lagu soo dhawayn doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Soomaaliya.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale