HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Sheekh Xasan Daahir “Aniga uma fadhiyo inaan ka hadlo wax Al-shabaab khuseeya ee waxaan ahay Gobonimodoon doonaya inuu u hadlo….”.

04.July.2012.HOMELAND.Hogaamiye diimeedka Sheekh Xasan Daahir Aweys kana mid ah Saraakiisha Xarakada alshabaab ayaa sheegay markii ugu horaysay in muddo ahi inuu yahay siyaasi Soomaaliyeed oo u ololeeya ku dhaqanka Shareecada Diinta Islaamka, isagoo xusay inuu Tacsi u dirayo Shacabka soomaaliyeed Munaasabada 1-da luulyo oo Saddex Cesho ka hor ku beegnayd, isagoo tilmaamay inaysan jirin wax Xornimo ah oo loo hambalyeeyo  loona dabaal dago.

Waxa uu sheegay Sheekh Xasan Daahir Aweys in shacabka Soomaaliyeed laga galay Dulmi islamarkaana dalka ay ka socoto xabad Gumeysi oo ay hogaaminayaan Dowladdaha Itoobiya iyo Ugandha, isagoo sheegay inuu u arko isagu in dalka Soomaaliya wali helin Xoriyad ay  u hambalyeyso.

“Intii munaasabado lagu weynayo 1-da Luulyo la dhigi lahaa waxaa ka haboon in marka hore shacabka Soomaaliyeed iska dulqaadaan Gumeysiga Cusub ee dul degan shacabkana la dagaalamaan Gumeystaha Cusub ee Ugandha iyo Itoobiya horboodayaan, waxaa loola diriri karaa Kali Kali iyo Koox Koox mana jirto awood buuxda oo shacabka ka hor’imaan karta inay xoriyadooda u halgamaan” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada alshabaab.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in aanu u fadhin ka hadalka arrimo khuseeya Alshabaab hase yeeshee uu yahay Gobonimodoon doonaya inuu u hadlo danaha iyo Masiirka Ummadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inaysan xiligan xor ahayn oo ay ku jiraan Gumeysi cusub.

“Aniga uma fadhiyo inaan ka hadlo wax Al-shabaab khuseeya ee waxaan ahay Gobonimodoon doonaya inuu u hadlo….” Ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu ku eedeeyey Dowladaha Caalamka Islaamka iyo Dowladdaha Carbeed inay dhabarka dambe xijiyeen xaalada ba’an ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaan dhibaatada lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay in maanta Qadiyada Soomaaliya ka jirta aanay u oolin Alshabaab, balse ay u talo Soomaalida oo dhan sida uu yiri.

Ugu danbeyntii Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay inuu ku sugan yahay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, isagoo madaxda dowlada KMG Soomaaliya ku eedeeyey inay qadiyada Soomaaliya ka iibiyeen Gumeystayaal Shisheeye oo ay horboodayaan Itoobiya iyo Ugandha.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.