Tarsan oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaali ah oo sheeganaya inay khuburo yihiin ay garan waayaan Qaabka loo qoro Magaca Muqdisho.
04.July.2012.HOMELAND.Waxaa sii kordhaya dhaliilaha faraha badan ee loo jeedinayo Dastuurka Qabyo Qoraalka ah, iyadoo Madaxda Dowladda KMG ay isku hayaan qodobo ka mid ah Dastuurka, waxaana khilaafkaasi ku soo biiray Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaali ah oo sheeganaya inay khuburo yihiin ay garan waayaan qaabka loo qoro Magaca Magaalada Muqdisho.
Tarsan ayaa si aan caadi ahayn u weeraray Dastuurka Qabyo qoraalka iyo ragga soo qorayba, kagadaal markii Dastuurka guud ahaan laga waayay meel ku qoran oo tilmaamaysa in Magaalada Muqdisho ay tahay Caasimadii Dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrin la is weydiiyo ay mudan tahay sababta Dastuurka Soomaaliya looga waayay magaca Magaalada Muqdisho, laguna qeexi waayay (Cadeyn Waayay) in Magaalada Muqdisho ay tahay Caasimada dalka Soomaaliya..?.
“Nimanka soo qoray Dastuurka ma waxay garan waayeen sida loo Qoro Ereyga Magaalada Muqdisho, haddii aysan aqoonin haddaba ha ogaadaan waxaa loo qoraa sidan (M, U, Q, D, I, S, H, O)” ayuu si kulul oo caro ka muuqato u yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wax laga xumaado lagana fajaco ku tilmaamay in dad Soomaali ah oo sheegaya inay khubaro yihiin ay garan waayaan qaabka loo qoro Magaca Magaalada Muqdisho.
Tarsan ayaa ugu yeeray Qorayaasha Dastuurka in haddii aysan garanayn qaabka loo qoro Magaalada Muqdisho inay haboonaan lahayd inay iyagu kala tashadaan, isagoo sheegay inay doonayaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed kuna kala qeybin lahaayeen, isagoo ka digay inay shacabka taasi aqbalaan.
“Kuwa dastuurkan qoray waxay rabaan in ay iska horkeenaan Shacabka Soomaaliyeed, madaxana ay isku geliyaan, war Shacabow ma waxaad rabtaan in leyska kiin horkeeno, taasi diida anagana diidnaye” ayuu ku cel celiyey Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xili shacabka Soomaaliyeed ay diidan yihiin Dastuurka, iyagoo ku sheegay Dastuurka in aysan dan ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale