HomelandMedia.net

Hoyga wararka ku saleysan xaqiiqada

 

 

SOOMAALI WAA BAADI.

Qormadan waxaan cinwaan uga dhigey,Soomaali waa baadi. Erayga baadi micnihiisu waa halow ama lumis.Waxa qof ka luma wuxuu u kala bixi karaa Mood iyo Nool. Lacagta ama qalabka ayaa la yidhaa way iga lumeen ama halaabeen, waana wax meel lagu iloobo ama ku dhaca. Balse xoolaha nool lama odhan karo neef baa iga lumay,waxaa afkeena hooyo ku haboon awr ama geel baadiya ma aragteen? Markaas wax nool oo dhaqaaqaya markuu lumo ayaa la yidhaa BAADI.
Soomaali way baadiyowday, dhulkii hooyo,diintiyo dhaqankii ayey  baadi ka tahay maanta. Dadnimo waa laga tagey, siduu Rabi noo uumayna waa laga dhalanrogmaday.
 
Adduunyada masiibada iyo barwaaqada ayaa is daba socda,farxada iyo baroortuna waa lammaano. Masiibooyinka ayaa waxay u kala baxaan qaar dabiici ah sida dhulgariirka,duufaanada iwm iyo qaar dadku gacmahoogu ku dhaliyaan sida dagaalka iwm. Soomaaliya waxay bilaa dawlad tahay ku dhawaad 20 sanno. Waxaa halkaa dhigayna waxaa ku dhacay 6 masiibo oo waaweyn.
 
1) QABYAALAD.
Qabyaaladu waa masiibada ugu weyn ee Soomaali meel daran dhigtay.Qabyaalada waxaa iska dhala masayr iyo damac waxaana koriya dagaal iyo burbur waxayna ku duqowdaa qax iyo geeri. Siyaasiyiinta, aqoonyahanada, waddaadada, madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo ganacsatada ayaa qalbigooga qabiil lagu xardhay. Sida loo kala cilmi badan yahay ayaa loo kala qabiilisan yahay, oo ninka Dr haysta ama sheekha caalinka ah waxaa ka qalbi fiican ka miyi ka yimi ee nolol maalmeedkiisa magaalo dhex rooraya. Sida loo kala da' weyn yahay waa loogu kala orad badan yahay, oo 60 ama 70 jirka, 20 jirkaa ka dhaqan wanaagsan.
 
Siyaad Barre, Caydiid iyo Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa geeriyooday iyagoon Soomaali ka dhiman. Nin walba aas beeleed ayaa udhacay. Dariiqa ragaasi inaga mareen waa hilin ay  siyaasiyiinta Soomaalidu ku wada aroorayaan, hormoodna waxaa maanta ka ah Cabdillaahi Yuusuf iyo sheekh Aways. Qabiilku wuxuu noqday wax nin dulmi wada loogu hiiliyo nin dan yarna lagaga durku, waayo siyaasigu wuxuu haystaa dad maal iyo nafba la garab taagan balse miskiinku cidba gacan uma fiiqdo oo cuntada bisil kaalay faraha geli lama yidhaa.
 
2) QAAD.
Qaadku waa masiibo weyn oo bulshadeena meel ba'an gaadhsiiyey. Faqriga iyo baahida ayuu aabe u yahay. Cunto wixii la siisan lahaa laan jaadaa lagu iibsadaa. Wahsiga, caajiska iyo walbahaar ayay meel wada fadhiistaan. Maanta waxaan maraynaa heer haweenkii iyo ubadkii ragii ku soo biireen. Waxa keliya ee dadku ka helaana waa mirqaan. Mirqaanku maaha waali, mana aha miyirqab ee waa soolanaan, waa qof dhiban oo dhalanteedna ku jira, waa qof maqan hadana jooga, waa dhoohanaan qalbiga iyo maskaxdaba.
 
3)FAAN.
Faanku waa masiibo kale oo inagu habsatay. Soomaalidu dadka kale inay jiraanba ma aqoonsana. Ninka cadi waa gaal, carabku waa dheg cas, madowgu waa dhagax, turkigu madax balaadh, hindigu baaniyaal, bulshooyinka kalena magacyo kawaas la mid ah.Haybsooca ayaan ku caan baxnay.Dhexdeena dhalad,nasab,laan dheere,reer boqor iyo reerka madaxweynaha ayaan iskugu faanaa. Qabiilkayagaa ugu fiican, ugu badan, ugu raganimo badan, taariikh soo jireena leh iyo hadalo deelqaafo ayaan duryanaa. Waddaad iyo waranleba dadka kale ayaan uga sheekaynaa halkaasbaan ka imi iyo kuwaas anagu waan ka fiican nahay. Waxaad arkaysaa waddaad caraba oo kule ma reer hebel baad tahay.
 
Waxaan aaminsanahay haddii Mandela uu Soomaali ahaan lahaa reerka uu ka dhashay way ku gaaloobi lahaayeen, maalintuu dhintana way ku cadaab geli lahaayeen.
 
Soomaalidu ma lihin dad dunidu ay taqaan,xitaa ma jiraan dad Soomaalida dhexdeeda ku caan ah.Siyaasigu waa siyaasi beeleed, abwaaniinta, aqoonyahanada iyo culimaduba waa la mid. Axmed Saalax oo reer Jabuutiya ayaa iigu horeeyey qof aan telefishan shisheeye ka arko markuu ordi jirey. Nuuradiin Faarax oo ah qoraaga dadka af soomaaliga ku hadla ugu weyn ayaa iigu xigay.Buugaagtiise oo afaf kale lagu turjumayna waan arkay.Labada gabdhood ee Iimaan iyo Weris oo dharka xajaysiin jirey ayaa iyaguna meelo badan ka muuqday.Raage Oomaar ayaa noqday werihii u horeeyey ee Idaacad shisheeye ka hawl gala.Cabdiraxmaan Waaberi oo ah qoraaga Jabuuti ugu wayn, Soomaalina ah ka 2aad ayaan isna telefishanada Faransiiska ka arkay.Fanaanka da'da yar ee K'naan ayaa isna dad aan Soomaali ahayn daawadaan.Xaga siyaasiyiinta sheekh Shariif ayaa telefishanada af carabiga ku hadla ku weji badan.Ragii horena Siyaad Barre ayaan ka arkay magaciisa Qaamuuska afka Faransiika ee LAROUSSE.
 
Soomaali fara badan ayaa usoo hayaantay qurbe, waddanka ay ugu badan yihiina waa Ingiriiska.Wax magaca kuma laha halkaas,xitaa qiimayn xoog shaqaala ah ma jiro, waayo waddamada warashadaha lehi shisheeyaha dhulkooda yimaad waxay u tirsadaan shaqaale qabta shaqooyinka adag ama liita.Dhalinyartu 20 jir ayay lacag curyaan ku dalbadaan.Gebi ahaanba Soomaalida qurbe timi ilaa 60kii gabadha Ayaan Xirsi ayaa kasoo dhex baxday, gole iyo fagaare shisheeyana ka dhex muuqatay, inkastoon dariiqa ay qaaday uuna fududayn,
haddana dad tukada ayaa walaalkii Soomaaliyeed ku dhegaroobaya ama qaadhaan wax lagu dilo dhiibaya. Faanku wuxuu noqday qab weyni Soomaali cidina u ogeyn,qaawiyeyna dadkeenii.Dunida meelba qiimo kuma lehin.
 
4)XASAD.
Xasadku waa cudur ku cusub Soomaalida,waana wax ka dhashay dagaalada sokeeye.Qofka Soomaaligu qofba nolol uma ogola.Reerkooda ayuu waxla rabaa,marka xiga jilibkuu ka yahay,kidinkuu kasii yahay ilaa walaalaha ay isku bah yihiin ayuu kuwa bahda kale u xaasidayaa. Xasadku wuxuu curyaanshay dhaqdhaqaaqa Soomaalida qurbaha,oo qofkasta oo fikir fiican markuu hawl urur galo ayaa la lee yahay ma reer hebelbaa na xukumi iyo taladaa rag kalaa ka dambeeya.Xasadka Soomaali way ku asal beeshay.
 
5)HUNGURI.
Hungurigu waa masiibo halis ah.Qofka Soomaaligu wuxuu rabaa inuu hanti si fudud ku helo,
waxaana laga bilaabaa kala tega qoyska.Carruurta qurbaha 90% waxay ku qoran yihiin magaca hooyada oo ilma kasta iyo hooyadii waa isku aabo.Sida kor ku xusan dhalinyartu waa wadda curyaan.Aabe kastina waa siyaasi oo markuu baasaboor shisheeye qaato dibuu u laamayaa isagoo leh doorashaan gelayaa iyo kursigii reer hebelbaan rabaa,wuxuuna ku fifirayaa siyaasada gal oo meeshan dhaqaale ka samee xaaskuna caydh ha kuu qaataan.
 
6)WAR.
Warku waa masiibo aad u weyn oo Soomaali haysta.Markaad guri tegtid telefishanku wuxuu ku taagan yahay idaacad war.Shebakadaha Internetku way xad dhaafeen maalin kastana qaar cusubaa soo kordha.Magacdii magaalooyinka, gobolada, buuraha iyo togogu way dhamaadeen imika tii beelahaa bilaabantay.Intuba waxay qoraan wax isku mid ah,sida dagaal,qax,wasiir ama wasiiro is casilay,ku ama kuwo la magacaabay,shir dhacay iyo ku dhici doona.Intaas waxaa dheer qaarkood waaba lagu caytamaa,qaarkalena sida Umadaha Midoobay,Midowga Yurub,ka Afrika, Ururka Islaamka ama ka Waddamada Carabta ayaa bayaano lagusoo saaraa.
 
Warka siyaasada waxaa dheer ka dadku u gudbiyaan shisheeyaha ay la kulmaan.Qofka Soomaaligu markuu qof shisheeya ah arko Soomaaliya oo dhan ayuu uga sheekeeyaa.
Dhibaatooyinka jira, dadka wada, beesha uu yahay oo wada libaaxa, beelaha kale oo daayeer waxba dhaamin,af Soomaaliga inta cayda, gabdhaha Soomaaliyeed sida loo shunkaasado,mushaarada uu qaato, guryaha uu dhulkii ka dhistay,qoyskoogu intuu ka kooban yahay, inta waddan ee uu soo maray,dhalashaduu haysto,afafka uu ku hadlo, maamulada badan ee dhashay ka ugu dhaw, inta wasiir ee beeshoodu leedahay iwm.
Tani waxay sahashay in si dhib yar la inoo barto,dhulkan aan usoo baqoolnayna dadka u dhashay iyo shisheeyaha joogiba si fiican warkeena uga dhargeen..Marnaba qof kali magaciisa iyo waddankuu u dhashay wax kabad noloshiisa kuuma dhaafayo.
 
Hadal waxaan kusoo koobay tixdan yar ee gaaban maceedana la yidhaa DHEEF DOON;
 
     Saaka waadhawaadkii baan Soomaali dhexdood tegay.
      Dhawaaqaan kasoo maqlay yaabuu igu dhaliyey.
      Goohoogii dhawda hadal sidan buu dhamaystirnaa.
      Kursiga dhulka u sareeyiyo Madaxweynay nagaga dhegtay.
      Hadduu na dhaafo kaasi Raysal wasaaraan dhab leenahay.
      Labadaasoo na dhinac mara Baarlamaankaan dhexjoognaa.
      Intaasoo dham haddaan dhufan dhankalaan maraynaa.
      Dharaarba awrkii dhaaminbaan heelada la dheelnaa.
      Madaxweyne dhabaad tahaan amaan hadal u dhoobnaa.
      Reerkayagu dhammantood dhinacaaga weeyaan.
      Degaan dheer baan leenahoo malyuumaad u dhalatee.
      Cududbaan ku dhaadanaaye tiro dhaaf wasiiro na sii.
      Kuwa kale xayn ma dhamee agaasime kor how dhaafin.
      Askari dhar cawlaniyo laba alifle naga dhawr.
      Dhame saraakiil lebisatiyo taliyaasha noo dhiib.
      Dhaqankiyo hidihiyo nagadaa dhirtiyo daaqa.
      Dhalintiyo ciyaaraha beelaha kale u dhuudhuub.
      Ma dhexjoogi karno Masaajide diintana na dhinac mari.
      Dhaqaalihiyo maaliyadiyo jago dheef leh baan rabnaa.
      Dhoofkiyo dibadiyo safaaradaha nawada dhig.
      Bangiga dhexee qarankiyo hanti dhawrka noo soor.
      Dhulka u tudhi maynee wixii dhimani yeelkii.
      Dhuuxiyo lafahiyo nafaqadiyo dhiiga inoo miir.
      Dhammaan maalka oo idil dibadbaan u dhuraynaa.
      Dhegedhegayntana waan naqaanoo nama dhaafo hadalkuye.
      Af dhawrbaan u badan nahee dharcadana nawada qor.
 
Nabad iyo Caano.
 
Rashiid Barkhad
Rennes, France
barkhsoom@hotmail.fr



HOMELANDMEDIA.NET

© Copyright 2006 RealWeb Enterprises Ltd.
all rights reserved