|
Maquuste Good for Nothing Dr.Ali.A.Hirabe Waajibka saaran ninka askariga ah waxaa ka mid ah in uu ugu horeeyn u hogaansamo Ilaaha abuuray, kuna adeeco amar walba oo la siiyo in uu Ilaah raali ka yahay, waxaa shaqadooda eey tahay difaaca dalka,dadka iyo diinta umada soomaaliyeed balse waxa xamar maanta ka socdaa waxaa eey tahay in Ciidamdii Copyga Ethiopia lagu tilmaamo ciidan Qaran,waayo waxaa eey yihiin kuwa ka barbar dagaalamaya cadowgii ugu foosha xumaa ee umada soomali Ethiopia, waxaana eey labadooda gumaadayaan shacabkii dalkaan lahaa iyo deegaankii dalka somalia,hadaba ninka askariga ah waa serving man of Allah and He does not follow his own pleasure he is under law and rule According to the Qur'an, one of the greatest sins is to kill a human being who has committed no fault: A good action and a bad action are not the same. Ciidamdii Copyga Ethiopia ma laha Ethic iyo moral oo runtii ah labada Aadanaha uu ku dhaqaaqo,dib u fiiri aqlaaqdooda ama anshaxooda (Ethic) maaha kuwa lagu tilmaami karo muslim ama aqoon u leh diinta islaamka,waayo haddii eey lahaan lahaayeen aqlaaqda ama anshaxa islaamka uma eey shaqeeyeen Maquuste iyo Ethiopia mana gumaadeen shacabka muslimka ah,masaajida kalama eeyan soo baxeen culumada iyo dhalin yarada diinta baraneeysa haweenka,caruurta madfac kuma eeyan qaraaceen shacabka ,dhanka kale ma laha aqoon eey ku kala gartaan waxa saxda ah iyo waxa qaladka ah (Moral) waayo ciidamada Ethiopia kama eeyan barbar dagaaleen dalkana ka eeyan daafaceen xoogaga dib u xoreeynta balse waxaa eey mudneeyd in eey garab istaagan xoogaga xornimadoonka somalia ee ka gilgishay cadowga soo jireenka ahaa ee dalka somalia ku soo qaaday duulaanka qaawan.Maquuste waa good for nothing wax uu ku fiican yahay oo eey amar ugu qaataan meesha maba taal,weligiis lama mid noqonaayo ragii u shahiday dalka,dadka iyo diinta,Sheekh Shariif xiligaan waa statesman waayo waxaa uu hogaanka u qabtay xoogaga xornimo doonka ee somalia, waxaan aad ugu xumahay in Xussen Caydiid iyo Zakariye webka Hillac.net iyo midka dalkanews.net iyo waagacusub.net in eey dib ugu noqdaan dhaawaca iyo gardarada joogtada ah oo eey ku hayaan sheekh shariif,Ilaah idiinku dhaarshee Xussen Caydiid iyo Zakariye Xaaji waxaa eey noqdeen kuwa aan laheeyn Ethic iyo moral waxaa eey sheekh shariif ku tilmaameen nin dalka,dadka iyo diinta qayaanay,sida oo kale websidyada aan kor ku soo sheegay waxaa eey aad u huriyeen kana shaqeeyeen in aanan marna leeysku imaan caqliga gumeeysi diidka ahna aanan la qaadan,sheekh Xassan Daahir haddii uu ku raali yahay nimankaa dharka iska dhigay ee maalin walba caayaya sheekh shariif waxaan dhihi lahaa danbi aad u weeyn ayaa kaa soo gaaraya xaqiiqdii waxaana noqoneeysaa nin ku fikir ah labadaa websityada Hillac.net dalkanews.net iyo midka waagacusub xil kuuma dhiibi karaan,Sh.Daahir waxaad ku qurux badneeyd adiga oo soo raaca kana dhex muuqda wallaalaha gumeeysi diidka ah ee aad soo wada shaqeeyseen,X.Caydiid iyo Zakariye waxaa kaaga dhaw Sheekh shariif waayo waxaad beri aheeyd G.Shuurada halka Sheekhuna ahaa G.Fulinta. Ciidamda Copyga Ethiopia waxaa eey ka kooban yihiin kuwa qabiil isku baheeystay somaliana aan lagu tilmaami karin.. I.Maquuste waxaa uu ku tabarucay 1000 askari oo asal ahaan ka yimid reerka uu ka dhashay kuna nool gelinka 5 naad ee dhulaka Ethiopia.Muqdishona aan weligood arag,waxaa ciidamadaa ururinteeda isku mashquuliyay Morgan oo ah ninka Maquuste ugu qaabilsan dilalka,barakicinta xamar ka jirta,waxaa dhawaan Morgan loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ugu sareeya howlgalada caasimada dalka ee Muqdisho,05-July-2008 waxaa uu VOA ka lahaa xil dowlada uma hayo,waxaase run noqotay in uu yahay ninka loo xil-saaray xasuuqa iyo baro kicinta dadka reer Muqdisho II. Darwiish oo asagana keenay 1000 askari oo asal ahaan ka soo jeedo gelinka 5 naad ee dhulka Ethiopia oo ayagana ah kuwa reer ahaan eey isku xigaan. Muqdishona aan weligood arag,Qeeydkii gaduudnaa laga soo dhigay tuunae loo soo geliayay III Aadan Madowe G.baarlamaanka aan xorta aheeyn waxaa uu keenay 1000 askari oo runtii ka soo jeedo asal ahaan reerka uu ka dhashay. IV. Zanawi oo ku biiriyay 1000 askari oo saraakiil ah, xukumi doonane kuwa Somalia ah Akhristow ma dhageeysatay qudbadii Maquuste ee Garowe dhawaan,haddii eey tahay haa ma waxbaa naga qarsoon maya ...maya Qarankii somaalia sow qoys ma noqon,dhulkii somalia sow qoys laguma tilmaamin,badii,baansiinka,qeeyraadkii dalka sow qoys ma rabo in uu qaato Haddii aad nabad rabtaan awood leeydan kaga baqo lahaada,haddii kale u diyaar garoowba in la diin qabsado waa hadaladii Maquuste welina aad ka heli kartid webwalba oo Somalia ka hadla.waxaa ugu darna oo runtii xiligaan lagu macneeyn karaa waxa N.Cade lagu diidan yahay ayaa ah nabada uu raadiayay in aanan laga raali aheeyn,Maquuste waxaa uu dhahay Haddii aad Nin Siyaasada iyo caqiidada diineed ku kala leexataan nin kaasi waa cadow waxaad isku tihiin lama arko weliba kan kuu xiga ayaa daran,sow lama dhihi karo N.Cade iyo Maquuste isku mabdaá maaha Motion ka baarlamaanka aan xorta aheeyn waxaa ka danbeeya Maquuste waayo waxaa uu ku burburinayaa nabada uu N.Cade hormuudka ka yahay,haddii nabada eey hirgasho waxaa xaqiiq ah in Somalia loo sameeyn doono dowlad xalaal ah oo aan aheeyn 4,5 balse dowlad aan militeri aheeyn lagu wejihan yahay in eey Somalia ka dhalato,USA ma rabto dowlad militeri ah balse dowlad shacab ah.Maquuste waxaa uu diidan yahay in ciidamada Ethiopia in eey ka baxdo dalka Somalia sida heshiisku yahay,waxaadse moodaa in uu diidan yahay waxwalba Maquuste goog for nothing.
HOMELANDMEDIA.NET
|
|