Siyaasad nabadeed ama dagaal dabargooya ummadda
Sida wada ogsoon yahay 18 sano in ka badan waxaa dalkeenna ka socday dagaal sokeeye oo joogtada ah iyo faragalin ciidamo shisheeye ee is-dabajooga ah kuwaasoo gaarsiiyey Ummada Soomaaliyeed burbur iyo khasaare aan la qiyaasi karin ee leh naf iyo maal isla markaan wiiqay kalsoonidii iyo midnimadii shacbiga, qaranimadii iyo dhaqankii ummadda. Mudadaas gudaheeda dhawr dawladood baa la dhisay wayna burbureen ayadoo ay sabab u ahayeen khifaafka dadkenna dhexyaal iyo faragelin shisheeye. Ciidamada shisheeye ruuxooda waxaa keenay oo ay ku marmarsoodaan khilaafyada iyo dagaalada dhexdeena ka soda ayaguna khatar ku yihiin. Cawaaqibkii wuxuu noqday inaan gaarnay heer jiritaankeenna ummad ahaaneed uu ku jiro halis dhab ah.
Bil ka hor, dawlad cusub oo midnimo qarameed oo ka kooban Dawladdii Federaalka ee Ku-Meel-Gaarka (DFKMG) iyo Is-bahaysigii Dib-u-xoraynta Soomaaliya (IDS) lagu dhisay dalka Jabuuti ayadoo ay gacan weyn ka geysteen Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Ururka Qaramada Midoobay, gaar ahan Ergaygiisa Gaar Mudane Axmedou Walid-Cabdalla. Dawladdan Midnimada Qaran waxay kaga duwan tahay dawladihii hore oo u badnaa dagaal-oogayaal iyo dad aan aqoon lahayn marka ka laga reebo Dawladdii Carta ee ayana guuldarraystay, ayadoo ay ku midoobeen xoogag kala duwan sida: b) xubno IDS, t) xubno DFKMG oo dagaal-oogayaashii iyo daba-dhilifyadoodii ku yar yihiin, iyo j) xubno cusub ee Bulshada rayadka. Haddii si kale loo macneeyo, Dawladda Midnimda Qarameed, waxay mideysay mabaadii kala gedisan sida afkaarta diinta Islaamka, afkaarta casriga ah (secular) iyo dhaqanka (habka awood qaybsiga ee 4.5 loo yaqaan – kaaso loo isticmalo ku meel gaar ahaan inta doorasho laga gaarayo) itijaahdayas kala gedisani waxay ka tarjumayaan mabaadiida bulshadeed (social values) ee Ummadda Soomaaliyeed. Dawladan Midnimada Qaran waxay kaloo kaga duwan tahay kuwii hore ayadoo hoggaamiyaasheeda sare – Madaxweynaha Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Rasiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ay yihiin dhallinyaro aqoonyahano ah oo kala matalaya afkaarta kor ku xusan kuwaas aan ka qayb galin dagaaladii sokeeye iyo kala-qaybintii bulshada.
Hayeeshee, weli waxaa jira kooxo diini ah (Xisbullaha, Shabaab, i.k.k) oo ilaa hadda diidan habka siyaasadda nabadeed iyo inay Dawladda la yeeshaan wada-hadal iyo dib-u-heshiin, kana doorbidaya habka qoriga ama dagaalka. Sidoo kale waxaa jira beelo (sida beesha Sade, i.k.k) oo qawaday ama saluugay saamigii laga siiyey qaybsigii jagoyooyinka Dawladda Midnimada Qaran ee cusub. Saluugga iyo carada ay muujiyeen ka sokow, beelahani weli wax dagaal kuma dhaqaaqin laakiinse waa suuragal inay mucaaradnimadoodu isu bedesho ficil dagaal haddii aan la sii tixgelin iyo saami ay ku qancaan. Mucaradkaas qudhooda waxaa saaran masuuliyad ummadeed iyo qarannimo inayan dagaal u adeegsan gaaritaanka danahooda ee ay u maraan helitaanka xaqooda hab nabadeed iyo wada-xajood kaasoo ah midka la hubo in lagu faa’iidi karo.
Haddaba, haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed, waa inaan si qotodheer uga fakarno oo kala doorano labo xaaladood oo maanta na hortaal – kala doorasho habka siyaasadda nabadeed iyo habka dagaalka dabargooya ummaddeena oo jiritaankeenna halis galinaya.
1.DOORASHADA KOWAAD: HABKA SIYAASADDA NABADEED
Maxaan ula jeedaa habka siyaasadda nabadeed? Habka siyaasadda nabadeed waa hab siyaasadeed ee ka duwan habkii siyaasaddii qoriga iyo dagaalka dadkeenna lagu xasuuqayey laguna baa’iyey hantidooddii, sharafooddii iyo qarannimadoodii 18kii sano ee la soo dhaafay. Habka Siyaasadda nabadeed nuuxurkiisu waxaa weeye in qofka, kooxda ama ururka siyaasiga ahi uu diido iskana mabnuuco isticmaalka qoriga iyo dagaalka. Waayo dagaalka waxa ka dhasha fidno iyo nabadgalyo la’aan, gumaad iyo burbur. Eelka dagaalku intaas keliya kuma ekaado ee waxa kaloo ka dhasha aargoosi iyo dagaallo kale. Dabadeedna xalaaddu waxay isu bedesha garangar fidno, nabadgelyo-la’aan iyo fawdo ah oo joogtaysan. Xaaladda noocaan ahi waxay walwal nabadgelyo la’aan ah ku abuurtaan beesha calaamka maadaama nabadgelyada adduunku isku-xiran tahay. Waana sababtan midda noo keentay ciidamada shisheeye oo mar kastaba gulufka ku soo galaya dalkenna. Waa ma dhacdo, inuu dhammaado dagaalka dhexdeenna ah iyo gulufka ciidamda shisheeye inta aan aaminsan nahay oo isticmalayno habka siyaasada qoriga ama dagaalka. Sida keliya oo looga bixi karo fidnda iyo dagaalada joogtaysan, gumaadka, burburka iyo barackaca Ummaddeennu ku sugan tahay ama aan kaga badbaadin karno fragalinta ciidamda shisheye, waa annaga oo diidna habka dagaalka, kadiba raacno habka siyasadda nabadeed oo horseedi doona nabadgelyo, xasilooni iyo horumar kaasoo ah jidka badbaadada jiritaanka Umaddeenna ee maanta halista ku jirta.
Habkan siyaasadda nabadeed waxaa lagu xaqiijin kara arrimaha soo socda:-
b)dhammaanteen Soomaali ahaan (qof, koox, beel, urur, dawlad) waxaa na saaran waajib inaan diidno oo cambaarayno habka qoriga ama dagaalka iyo adeegsiga lagu in lagu gaaro dano ama ujeedooyin shaqsiyeed, kooxeed, beeleed, diineed, ama siyaasadeed waayo-aragnimadii 18kii sano ee la soo dhaafay waxaan ka bartay inaan habka dagaalka wax faa’iido lagu gaarayn khasaaro iyo halaag mooyee. Ummadaha addunka ee nabadgalyada, xasiloonida iyo horumarka ku naaloonaya waxay iska mabnuuceen habka dagaalka, waxayna raaceen habka siyaasadda nabadeed iyo wada-hadalka. Annaguna xaq baan u leenahay inan sidaas oo kale yeelno.
t)Si loo xaqiijiyo qodobka kor ku xusan, waa in Dawladda Midnimada Qarameed ay bilawdo olole ballaaran oo lagu baraarujinayo dadweynha iyo kooxha kala duwan diidmada adeegsiga qoriga ama dagaalka laguna bedelo habka nabadda iyo wada-hadalka in loo adeegsado garitaanka danaha iyo ujeedooyinka qofeed, kooxeed, beeleed, diimeed, siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo bulshadeed.
j) si loo hirgaliyo ujeedooinka qodobada kor ku xusan waxaa habbon in Dawladda Midinmaa Qarameeed ay dejiso barnamij ballaaran ee dib-u-heshiineed oo hayadeysan. Taasoo macnaheedu yahay in dhiso guddi qaran dib-u-heshiineed ka kooban xubo xul ee aqoon, waayo-aragnimo siyaasadeed, bulshadeed, iyo sifo dhexdhexaadnimo leh oo magacoodu nadiif yahay, kuwaasoo ilaa xad hawshooda u madaxbannaan oo talada ka qaata, warbixintana siiya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.
x)hindisaha iyo ajendada, goobta, maalgalinta iyo maamulka shirarka dib-u-heshiinta ummadeed oo heer walba ah (heer qaran, gobol, degmo, tuulo, beel) waa inay noqdaan kuwo mulkiyaddoda ay iska leeyihiin dadka iyo dawladda Soomaaliyeed;
kh) Hawlaha deg-degga ee dib-u-heshiinta ummadda iyo nabadeynta waxaa ka mid noqon kara, barnmijka bararujinta guud ka sokow, in Dawladda Midnimda Qaran qaado tallaabooyin ay wada-hadallo kula galayso mucaaradka (Xisbullah, Shabaab, beelaha qawaday ama ka biya diiday sida awoodda dawladeed loo qaybsaday sida beesha Sade, i.k.k.) si looga hortago in mucaradku sii baaho iyo inuu dhaco qarax dagaal oon loo baahnayn;
2.DOORASHADA LABAAD: SIYASADDA DAGAALKA EE DABARGOYNTA UMMADDA
Waxaa la is-weydin karaa, sidee baan u dooran karnaa jiritaan la’aanta Ummadda soomaaliyeed? Laakiin, runtu waxay tahay, haddii aan Soomaali nahay, waxaad moodaa inaan hore u doorannay dabargo’a ama jiritaan la’aanta Ummaddeenna, marka la eego xalaadda burburka, halaagga iyo qaran-jabka aannu ku sugan nahay ugu yaran 18kii sano ee la soo dhaafay anagoo ku gorgortamayna raqda Ummaddeenna. Mise waxay naga ahayd garasho la’aan inaan halbowlayaasha goyno Ummaddeenna, dabadeedna aan eegano dhiig-baxa halis ah e ka socda? Haddii aadan garan ama aadan ogeyn khatarta aannu ku sugan tahay, bal eeg oo dhuux qodobada soo socda ee muujinaya masibada Ummadda ku socota halisteeda inta ay le’eg tahay:-
b) Tirada dadka Soomaaliya toban (10) Malyuun ayaa lagu qiyaasaa, waxaa kaloo la qiyaasa in ugu yaraan labo iyo bar (2.5) malyuun (booqolkiiba 25%)dibadda u qaxday (Yurub, Maraykan, Afrika siiba dalalka jaarka ah, Aasiya, Australiya, i.w.m.);
t) Todobada iyo barka(7.5) malyuun ee soo haray – sida warbixin Qaramada Midoobay ee 2008kii sheegtay, saddex iyo bar (3.5) malyuun (boqolkiiba 50% in ku dhawaan) ayaa macaluul iyo darxumo la jiifaan ayagoo gacanta u hoorsanaya beesha caalamka;
j) Sida hayadda qaxootiga ee UNHCR caddeysay 27/2/2009 hal malyuun iyo saddex boqol oo kun (1,300,000) ayaa hantidoodii iyo hoygoodii waayey oo ka barakacay magaalooyiin kala duwan gaar ahaan Moqdisho kuwaas dalkooda gudihiisa qaxooti ku ah kana mid saddexda iyo barka malyuun gaajada iyo macluusha la il-daran;
x) Sida lagu sheegay warbixin hayadda qaxotiga UNCHR sannadkii 2008kii waxaa dalka Yemen u qaxay 50,000 oo dhallinyaro Soomaali(wiilal iyo gabdho) ayagoo naftooda halis galiyey aagoo uga talaabaya Badda Gacanka Cadmeed doonyo yar oo khatar ah, kuwaasoo 1,400 dhinteen lana waayey raq iyo ruux 390. Sannadkii 2007kii waxaa baddaas ka tallaabay 30,000 ayado boqolaal kalena ay badda ku halaagmeen. Boqolaal kale ee dhallinyaro Soomaliyeed ah waxay si joogto ugu halaagmaan badaha u dhexeeya Afrikada Waqooyi (Eritrea, Suudaan, Liibiya, Tuunisiya, Marooko) iyo Yurubta Koonfure (Talyaniga, Qubris, Ispaniya, Bortuqaal), iyo weliba Yurubta Bari iyo Turkiga ayadoo boqolaal kale ay jiifaan xabsiyada dalalkaas. Waxaa inta wehliya boqolaal kale oo Afrika lug ugu tacabira oo dhexda harraad, gaajo iyo cudurro ugu dhinta, ama jidka lagu dilo ama xabsiyo dalal Afrikaan ku jira.
kh)Sannadka kasta boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilaa ama darxumo ugu dhinta dalal kala gedisan ee dunida oo ay qaxooti ka yihiin sida dalka Koonfurta Afrika oo lagu dilay tiro 500 kor ku dhaaftay oo ay ka mid ahaayeen hooyo iyo saddexdii caruurta ahaa oo la gawracay.
d)sida hayadda qaxootga ee UNHCR shaacay ka qaaday 27/2/2009 afar boqol iyo soddon iyo sideed kun (438,000) oo Soomaali ah ayaa qaxootinnimo looga diwaangaliyey dalaka Keenya iyo Itoobiya ayadoon aynan ku jirin boqolaal kun oo kale oo qaxooti oo aan la diwangalin ee darxumo ku sugan;
r) Waxaa kale qof kasta ee Soomaali ahi ogsoon yahay, in dadka dalka ku harsan dhammantood ay diyaar u yihiin inay dibadda u qaxaan haddii ay helaan fursad - nabadgelyo-xumada, nolol la’aanta iyo mustaqbalka madow ee dalkooda ka jirta awgood; iyo
sh)intaas oo dhan waxaa ka sii daran in la sumeeyey dhulka iyo badaha Soomaaliyeed ayagoo shirkado shisheeye ahi ay ku shubaan sumaha halista ee loo yaqaan Industrial Toxic Wastes iyo nuclear Radioactive Wastes (sunta haraaga warshadaha iyo shoocaaca nikulyeerka)kuwas oo gumaada noolaha badda iyo berriga ku nool –taasoo macnaheedu yahay gumadka dadka, duunyada, iyo nabaadka (dhirta) Ummada Soomaaliyed inay suulaan mar aan dheerayn, haddii aan wax laga qaban inta goori goor tahay.
Intas waxaa dheer cadawyo badan oo halis ah oo dadka iyo duunyadaba noloshooda iyo cirmrigooda sida cudurada faafa, cayrnimada iyo gaajada, shaqo-la’aanta iyo wax-barasho la’aanta, biyo la’aanta siiba kuwa nadiifka ah, i.k.k.
Sidas darteed, sida aan kor ku soo sheegay waxaa nala gudboon inaan kala dooranno labo arrimood masiiri ama aaya-tineed kuwaasoo ah – inaan raacno habka siyaasadda nabadeed iyo dib-u-heshiin ummadeed dhab ah oo Soomalidu masuul ka tahay mulkiyadda, hindisaha iyo ajendada, goobta, maalgalinta – taasoo Dawladda Midnimada Qaran ay hogaaminayso ayadoo la kaashanaysa ummadda horseedkeeda (culumada diinka – kuwii hore iyo kuwa dambe, hoggaamiyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada, i.w.m.); iyo inaan dooranno habka qoriga iyo dagaalka dabargonaya (sida ko ku xusan) Ummadda Soomaaliyeed iyo jiritankeeda. Badbadinta jiritaanka Ummaddeenna oo khatar weyn ku sugan, wuxuu ku xiran yahay labadaas hab midka aan raacno oo adeegsanno. Cayminta jiritaanka Ummaddu wuxuu waajib ku yahay kuna xiran yahay haddii wiilasheeeda iyo gabdhaheedu fahmaan oo si degdeg ah ugu gurman int aan jeqorafiga Geeska Afrika laga waayin.
Sidaas daradeed, doorashadennu waa cad dahay, waxayna tahay inaan dooranno cayminta jiritaankeena Ummaddeenna. Sida aan ku badbaadin karnaana waa annagoo dhammaanteen diidna oo cambaarayna habka qoriga iyo dagaalka ayaaha-daran, oo ku bedelna adeegsiga habka nabadeed iyo dib-u-heshiin ummadeed oo dhab ah ayadoo Dawaladda Midnimada Qarameed ay hoggaaminayso, isla markaa qof, koox, beel iyo urur kastaaba masuuliyad iska saarayaan danta guud iyo badbaadinta Ummadda. Hoggaamiyaasha cusub ee Dawladda Midnimada Qaran – Madaxweynaha iyo Golaha Wasaradba waxay cadeeyeen inay geedi-socodka dib-u-heshiinta sii wadayaan, si taas looga mira-dhalliyana waxa lagama maarman ah in mudnaanta kowaad la siiyo geedi-socodkaas lana hayadeedo ayadoo si degdeg ahna loogu sameeyo qorsho muhiim ah oo meel sare kaga jira siyaasadda dawladda ayadoo la hirgaliyo habka siysadded nabadeed ee kor ku xusan.
Kooxaha diida habka siyaasadda nabadeed iyo dib-u-heshiinta ummadeed, waa in dadweynuhu u aqoonsaa inay yihiin dagaal-oogayaal cusub oo dano gaar iyo kuwo shisheeye fulinaya, sidaasna loola dhaqmaa.
Ilaahow eex ha iga tagin aqoon-darrana ha igu cadaabin.
Cumar Salaad Cilmi
2/3/2009
Email: oselmi@hotmail.com
Fikirkaan kor kuxusan wuxuu gaar ku yahay qoraaga magaciisa kor kuxusan,mana loo fasiran karo midda shabakadda Homelanmedia,Net